Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Cantar Bin Shidaad Waa Geesigi Ay Ninka Iyo Boqolka Isugu Mid Yihiin .. Waa Nin U Qalma Inu Aadamiga Oo Dhan U Noqdo Astaanta Xornimada Iyo U Halgankeeda

Sunday - November 18, 2018


Waxaa jira dad u qalma inta dunida lagu uuman-yahay oo dhan in magacoodu jiro oo dahab ku xarranaado. Taa laguma helo nasiib, waxay-se ku timaaddaa qofnimo leh dadnimo aad u sarraysa, dhinac ama dhinacyo nolosha ka mid ah. Cantarah bin Shidaad, loona yaqaan Cantar, baa dadkaa ka mid ahaa.

Cantar Bin Shidaad .. Xilli ku qiyaasan 525 ee Miilaadiga ayuu ku dhashay gobolka Najid oo ka tirsan dalka Carbeed ee maanta Sacuudiga loo yaqaan. Waxaa is ka dhalay hooyo magaceeda la oran jiray Sabiiba reer Geeska Afrika ahayd oo lagu qafaashay safar ay la socotay oo qabiil Carbeed weeraray,

Cantar Bin Shidaad isaga oo yar oo addoon ah ayuu yeeshay sifooyin badan. waxa uu noqday qof dhiirran, karti badan, codkar ah, laf iyo lexaad loo dhameeyay, oo u Madow sidii hooyadii. Firfircoonida iyo dhiirranida badani wax ay soo jiideen addoonkaa yar in isaga oo weli carruur ah aad looga sheegto. Taasina markeeda waxay keentay in Aabbihiisii axmaqa ahaa goor walba aad u garaaco oo jir ahaan iyo naf ahaanba dhibaateeyo. Intaana waxuu qabay cayda, quursiga iyo bahdilaadda qoyskooda iyo bulshadii Carbeed ee dhan walba jaahilayada ahayd. Laakiin wax uu noqday dheeman aan abuurtiisa adag wax jebin karaa jirin.

Wax ay socotaba, Cantar oo barbaar ah waxaa qoladooda ku soo baxay duullaan ay ku soo qaaday qolo ay Col ahaayeen. Aabbihii baa dabadeed amray in uu dagaalka la galo, jawaabtiisuna wax ay noqotay, aabbow, addoon dagaal ma galo. Waan ku xoreeyay haddii aad dagaalka nala-gashid, ayay noqotay bushaarada ku dhacday dhegaha Cantar oo ah dhawaaqii ugu weynaa ee uu abidkii maqlay ama maqli lahaa. Waa ilbiriqsigii iyo bilowgii isbeddelka noloshiisii dheerayd ee ashqaraarka iyo weynanka badnayd.
Maalintaa uu xoroobay ka dib Cantarah Bin Shidaad waxuu noqday ninka kowaad iyo xiddigga Jasiiradda Carabta ugu magac dheer ee la isu sheego. Waxuu noqday geesi ay ninka iyo boqolku isu gu mid u yihiin, seeftiisuna ragga ninba kuu ka caansan-yahay dhiggiisa ku mayrato.
 
Waxa uu noqday Gabyaaga gabya oo dhami gabay uga haray shisheeye iyo sokeeyaba. 
Wax uu noqday filasoof murtida tixdiisu qalbiga iyo maskaxda aadanaha sida laxaamadda ugu dhegto oo aanay weligeed ka fuqin.
 
Waxuu noqday nin ilaahay ugu deeqay laxaad jireed, dad iyo degaan xilligaa muruqu aad muhiim u ahaa. Waxuu noqday nin aad u garasho badan, ilaa laga sheegay geesinimadiisa in uu ku macneeyay maskax iyo xeelad sare oo uu adeegsado.

Intaas oo dhan ka hor iyo ka dib wax uu noqday qof gob ah oo hankiisa iyo qabkiisu cirka ku xiran yihiin. Midabkiisii madoobaa iyo addoonnimada isaga iyo hooyadii ku dhacday ee lagu xaqirayay ayuu gabaygiisa cajabta leh u adeegsaday oo ku faanay oo sarraysiiyay. Wax uu naftiisa iyo noloshiisa, dhaqankiisa iyo dhihiddiisaba ka xarrimay, arrin iyo anshax kasta oo aan ahayn gobannimo iyo sarrayn. In uu cisi iyo faan ku waaro iyo in uu naftiisa gunnimo ku silci lahayd huro ayuu ka dhigtay mabda aan tanaasul lahayn.

Cantar Wax uu jeclaaday ina adeertii Cabla oo taariikhdu sheegtay in ay ahayd hablaha beesha ta laga eegto, hayeeshee aabbeheed oo madownimada ku quursanaya ayaa u ga xilo furay. Wax ay se socoto oo uu gabadhaa helisteeda u halgamo, waxuu kun xujo oo loogu quusgoynayo oo midaba ta kale ka adag tahay ka soo baxaba, ugu dambayn Cabla laabtiisa ayuu ku hubsaday oo marwadiisa ayay noqotay.

Helista Cabla halganka kulul ee uu galay in aanay jacayl qura ka ahayn ee ka ahayd mabda uu ku duminayay iskuday wal oo quursi iyo takoor ah iyo korraysiinta naftiisa waxaa caddayn u ah, gabadhaa markii la siiyay ee uu lix bilood oo keliya qabay ayuu mid kale la guursaday, iyo kuwo dambeba. Waana tilmaan kale oo muujinaysa ninkaa sarrayntiisa, hankiisa, kartidiisa iyo adayggiisa.

Qofna goortiisa ma dhaafo, fulaha iyo geesigana wadku wuu u siman yahay, sidii uu Cantarah Bin Shidaad isaguba gabaygiisa ku falsafadeeyay. Waxii uu goor iyo ayaan dagaal u taagnaa kuma dhiman cimrigiisuna wuu dheeraaday, waxuuna gaaray inta u dhaxaysa 80-90 jir. Aad looma hubo sida uu u dhintay, waxay-se taariikhda ugu badani sheegtaa in uu isaga oo sidaa u gaboobay dagaal ku dhaawacmay dabadeed dhaawacii u dhintay. Waa bilawgii sannadihii Diinta Islaamku ka soo baxday Maka, laakiin lama sheegin isaga iyo Rasuulku in ay kulmeen.

Cantar bin Shidaad waxuu u qalmaa in uu aadamiga oo dhan u noqdo astaanta xornimada iyo u halgankeeda, sida ay u wanaagsan tahay ninkaa in aynnu kaalin ka siinno suugaanta iyo taarikh-deenna.
Labadan tuduc oo ka kala tirsan laba tixood wax uu kaga wada hadlayaa Madownimada isaga iyo hooyadii iyo addoonnimadii uu soo maray in aanay waxba u dhimi-karin nin ka sarreeya ee uu yahay, sidaana uu ku doortay inuu ama cisi ku noolaado ama dhinto. Waxuu leeyahay “ Ha Igu Waraabin Biyaha Nolosha Weelka Gunnimada, Laakiin Igu Waraabi Gobannimada Weelka Dhunkaasha. Biyaha Nolosha Ee Gunnimada Lihi Waa Tabta Cadaabta, Cadaabta Cisiga Lihina Waa Guriga Ugu Barwaaqaysan”.