Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Wa-Kaa Boqorki Qaldamay Shaarkiisi Kor U Si Duubtay .. Dacwad Oogihi Guud Ee Sacuudiga Oo War Beena Iyo Daba-gaaleyn Ka Soo Saaray Kiiski Khashoogi

Friday - November 16, 2018


Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji lagu duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday Shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.

Tallaabadan ayaa dad badan u arkaan maaweelo Sacuudiga ku muujinayo in madaxda sare ee dalkaas aysan kaalin ku lahayn dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo xaqiiqda ay tahay in Maxamed Bin Salmaan uu dilka illa xad wax badan ka ogaa.
Caalamka ayaa inta badan markay arkeen warbixinta xeer ilaalinta Sacuudiga la yaabay, isla markaan ku tilmaamay war aan la qaadan-karin oo cid ay ka gadmeyso aysan jirin.