Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dawlada Ingiriiska Oo Ku Riixiyeysa Somaliya Iney Ka Mid Noqoto Isbahaysiga Sadex Geesodka Ee Itoobiya, Aritrea Iyo Somaliya

Thursday - November 15, 2018


Waxaa soo baxaya in dowladda UK ay ka mid tahay dalal ku riixaya in Soomaaliya ka mid noqoto isbaheysiga saddex geesoodka ee dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ee dhowaan sameysmay.

Isbaheysiga saddex geesoodka ayaa shaki weyn laga muujiyay, iyadoo aan faah faahin badan laga helin, hase ahaatee Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa ku bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo heshiiska iskaashi uu la yeeshay Eritrea iyo Ethiopia.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar ayuu uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo shalay ku qaabilay Villa Somalia.

“Waxaan ka wad ahadlnay horumarka arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Soomaaliya. Waxaan uga mahadceliyey dadaallada uu ku bixinayo nabadda iyo isku xirka Gobolka ee ku timid isku xirka heshiiska iskaashi ee uu la yeeshay Itoobiya iyo Eritrea”ayuu yiri safiirka UK oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo xeel dheerayaal badan oo arrimaha Geeska Afrika ka hadla ay sheegeen in dalal waa weyn ay ka danbeeyaan isbedelka ka socda dalka Ethiopia.