Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

R/W Kheyre Oo Falcelis Adag Kala Kulmay Baraha Bulshada Kadib Marki U 15 Saac Kadib Ka Hadalay Qaraxi Mogdisha Ka Dhacay

Saturday - November 10, 2018



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa fal celis adag iyo eereyn kulul kala kulmay, kaddib markii ku dhowaad 15 saacadood kaddib uu barta Twitter-ka ee Xafiiska uu soo dhigay qoraal tacsi ah qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Dad kala duwan ayaa si adag uga fal celiyay qoraalkaas, waxaa dadka qaarkood ay Ra’iisul Wasaaraha weydiinayeen su’aalo kala duwan halka ay ku dambeysay isla ixsaabtanki, in aan tacsi kaliya loo baahaneyn ee ficil loo baahan yahay dhaliilo kala duwan oo laamaha amniga loogu jeediyay habacsanaanta waayaahn dambe ka jirta dhanka amniga ah.

Sidoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaraha lagu dhaliilay in 15 saacadood ku qaadatay inuu qaraxaas kaga hadlo, iyadoo Madaxda dowladda Soomaaliya ay saacado gudahood uga hadlaan haddii wax ka dhacaan caalamka ama dhambaalo loo dirayo Madaxda dalalka adduunka ee doorashooyinka ku guuleysta.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho oo ahaa 3 baabuur wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa khasaarooyin fara badan ay sababeen, iyadoo dad ka badan 40 ruux ku dhinteen, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen dadkaas illa hadda aan weli helin daryeel iyo ka warqab

Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhacay, kaddib qaraxii weynaa ee sanad ka hor 14 October ka dhacay isgoyska Zoobe.