Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Tix Raac Heshiski Is Dhex Galka Iyo Dhul Wadaaga .. Dhoohane Farmaajo Iyo Abiy-ga Itoobiya Oo U Waheliyo Afwerki Oo ku Shiraya Gobolka Amxaarada Itoobiya

Friday - November 9, 2018



Gondar Itobiya - Warar iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in Saacaddaha soo socda shir sadex geesood ah u ka dhici-doono Magaalada Gondar Gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya, halkaaso ay ku kulmi-doonaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eretria.

Shirkaan oo ah Shir Saddex geesood ah, waxaa ka qeyb gali doonaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan oo aayo ka tashi ah, ayaa waxa uu xoojinaaya isku xirka natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka iyo dhul wadaaga iyo dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor, waxaana muuqata in si kooxeysi ah dalka jabuuti laga tashaday, waxaana xusid mudan in Ismaacil Cumar Geelle horay u yiri aniga arinka farmaajo ma garan

Sida la sheegaayo heshisyo nuxur weyn aan somalida dan u ahayen aya mesha laga wada, dadka siyasada u kuurgala waxay aminsan yihin in itoobiya daneheda dahson ay shirka ka wadato, hase yeeshe somaliya oo dhul hodan ah oo iska cidla ah in ay itoobiyaanka ka fa’deysato ayey ujeedadeeda tahay. weliba waxaa la saadaalinaya in Tahriib Oromo xargaha Soo goostay ay ku soo qulquli-doonaan cariga somaliya gaar ahaan jubooyinka somaliya oo xaga beeraha ku caan ah.

dhinaca kale madaxweynaha somaliya mudane Farmaajo oo hadalka gagabiya ayaa lagu tilmaama Nin fudud oo aan dareen sidaasa lahayen, qaalibana aan cidna la tashan ayaa iska roraya, waxaana suragal ah sida la sheegaayo dhoohanaantiisa awgeed in wax-walba laga saxiixdo, oo hadhaw heshiiskaas Qodobadiisa Ninba dhinac u rogto .. kadibna somali qoomamo, ciil iyo murugo gasho