Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Adaa Booday Ciyaarta Oo Batarkii Dhabqinaayey .. Shariif Xasan Oo Markaan Isagi Wiishku La Booday

Wednesday - November 7, 2018


Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa iska casilay Xilkii Madaxweynaha, isagoo sidoo kale tanasulay u tartamida Xilka Madaxweynaha Maamulkaas.
Shariif-ka oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in uu u tanasulay Umadda koonfur Galbeed Soomaaliya, oo sanado uu soo maamulayay, islamarkaana uu diiday in la niyad jabiyo shacabka.

Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Madaxtooyada, una dhaxeeyay Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayuu Shariifka ku go’aansaday in uu Tanasulo, islamarkaana doorashada koonfur Galbeed Soomaliya ay waqtigeeda ku dhacdo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Tani ayaa muujinaysa in laga guuleystay Shariif Xasan Shiikh aadan oo 15-sano kusoo dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya,islamarkaana ka qeyb qaatay duminta dhowr Dowladood oo Soomaliya soo maray.