Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Wax Walba Waa Loo Kala Xaq Qaada .. Boqorkii Dulmiga Galay Oo Marki Dambe Is Mooday Neef Sac Ah

Thursday - November 1, 2018


Boqorkii Baabalyoon ( iiraan) oo magaciisa la oran jiray Nebuchadnezzar ( Bukhtansar) wuxuu ahaa boqorkii inta Reer bani israaiil ku si daayey Colal iyo Guutooyin dulaaya ayey xasuuq Fitir Faatir gubtay iyo Meyd is feeryaal ka dhigeen , taaso keentay in Ummada Yuhuuda wixii yaraa oo ka haray ay dunida afarteeda waaxyood ku kala firdhadaan.

Sida Taariikhda iyo Baybalka Yuhuudu " Tawraah" ay sheegeyso boqorkaas oo Dab caabud ahaa, wuxuu marki dambe eersaday dulmigi u galay oo dildilaacay ee xag Alle Buuga loogu qoray, waxaa Alle ka  duqeeyey xaga maskaxda oo dhoohane waalan noqday, waxaana u marki dambe isu qaatay inu yahay ama is mooday Nef Sac ah, kadibna intu Qasrigi Boqortooyada ka tagay ayuu duurka galay, halkaaso u sida lo'da u cuni jiray geedaha, waxaa kalo la xusaa inu xita sida lo'da u banaaxi jiray, ugu dambeystiina sidu duurkaas ugu dayacnaa da'diisana gaartay illa 200 Sano ayaa godki yaraa lagu miidaamiyey, oo halkaas camalki u dhigtay Qabriga ugu soo dhicin, waxaana xilki boqortooyada lagu wareejiyey Kuray u dhalay aan baaluqin oo la oran jiray Amel-Marduk oo isguna ahaa shido kale dhagar iyo dhiig ka bixi-waayey .. Dameer iyo Daankiis wax weyn is ma dooriyaan, waxay noqotay ka daro dibi dhal  

Waxaa kalo taariikhdu xustaa In boqorki Rooma ee la oran jiray Kiligula, marki u xukunka qabsaday , wuxuu durba bilaabay inu dad badan aan waxba galbsaan laayo oo dilkooda ku raaxeysto, waxaase arintiisu si xumaatay marku yiri: " ilaah baan ahaye waa in aad i caabudaan" Kadib markaas ayaa la xaqiiqsaday in falkiisu u la xariiro jiro xaga maskaxda uga timid, dabadeedna kacdoon inqilaab ayaa lagu dilay oo walaalkiis u awal cayriyey ayaa loo magacaabay boqorki Rooma

Waxaa isna jiray boqor la oran jiray Charles-kii lixaad ee Faraans waxa uu boqor noqday isaga oo 21 jir ah. Kolkii uu carshiga fadhiistayna waxa bilaabmay in dhaqaalii iyo siyaasaddii dalku Tub wanaagsan qaaday. Sidaa darteedna waxa loo bixiyay “Boqorkii La Jeclaa”. Hasa yeeshee, markii uu gaaray 32 jir wuxu iyaga oo aan waxba gaysan, si kas ah u dilay 4 Abaanduule oo ka mid ahaa ciidankiisa. Waxa kale oo uu weerar gacanta ah ku qaaday walaalkii Louis ka Orleans. Intaa ka dibna, xanuunkii waa ku fiday, boqortooyadiina aad buu u saameeyay. Waxay gaartay in “Boqorkii La Jeclaa” loo bixiyo “Boqorkii Waalaa” booskiina inta la isugu tagay ayaa laga kaxeeyey oo illa u ka dhintay meel lagu hayey

Ivan kii Ruuska, ama Ivan kii Argagaxa (1547-1584): Boqor Ivan wuxu noqday Qaysar-kii Ruush ka 1547. Markiiba waxa ka muuqatay in aanay maskaxdiisu deganayn oo kolba gufaacooyinka xanuunku ku soo kacaan. Markii ugu horaysay ee lagu kacay wuxu dilay inankiisii oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada. Mar labaad kiina waxa uu sameeyay ciidan argagax iyo dil ku qaaday odyadii iyo guurtidii dalka. Mar saddexaad kiina wuxu weeraray magaalada Novgorod oo ku dilay kumanaan qof.

Suldaan Ibraahim kii Cusmaaniyiinta (1640-1648): Suldaan Ibraahiim wuxu suldaan noqday 1640 ka dib markii walaalkii Muuraad IV dhintay. Markii uu suldaanka noqdayna da’diisu waxay ahayd 25 jir. In yar ka dib waxa muuqatay in uu maskaxda ka buko. Waxaana loo bixiyay “Ibraahim-kii Waalaa”. Falal kiisa xanuun ka muujinayayna waxa ka mid ahaa in uu hablaha qasriga ka shaqeeya Berkedaha qasriga ku tuuri-jiray oo markay haftaan ku dhiman jireen. Waxa kaloo ka mid ahaa in uu cashuuro badan oo aanu dadku qaadi Karin saari jiray; dumarkiisa gabar ka mid ahna ay taladii dalka in badani gacanta u gashay.

Imbaraadoor Zhendgii Shiinaha (1491-1521): Imbraadoor Zhendge wuxu ka mid ahaa imbraadooradii boqortooyada Ming. Wuxuu ku caanbaxay boqor aan maskaxdiisu degenayn oo axmaq ah. Wuxu qaadi jiray weeraro uu hogaaminyo abaanduule aan jirin oo uu maskaxdiisa ka sameeyay; weeraradaasna dad badan ayuu ku layn jiray. Waxa kale oo uu maamulkii dalka u dhiibay nin la dhufaanay oo shaqaalaha qasriga ka mid ahaa. Ka dib markuu ninkii ka boodayna wuxu amray in isaga oo nool kolba qurub la jaro ilaa inta uu ka dhimanayo.

Tan qosolka leh waxay ahayd Imbraadoor Qianfeigii Shiinaha (449-465 AD): Imbaraadoor Qainfeige wuxu ka mid ahaa boqoradii boqortooyada Liu Song. Boqortooyadaasi waxay ku caan-baxday in ay laba nooc oo raciyadeeda ah laayaan. Nooca kowaad wuxu ahaa xubnaha reerka boqortooyada. Nooca kalena wuxuu ahaa raciyada kale dadkooda. Boqor Qianfege in yar mooyaan reerkiisii oo dhan wuu laayay. Eraygii u dambeeyay ee hoyadii tiri intaanay aanay dhimanna wuxu ahaa, “Bal Calooshayda jeexa oo eega sida xayawaankani ugu soo baxay.”

Waxaa Kalo laga sheekeya Suldaan Mustafihii Cusmaaniyiinta (1592-1639): Waxa jirtay in reerihii boqortooyinkii hore shirqool iyo dil badani dhexdooda ka dhici jiray. Waxa tusaale u ah Axmed iyo Mustafe, laba amiir oo cusmaaniyiintii ah oo walaala ah. 
Axmed ayaa suldaan noqday. Ka dibna walaalkii Mustafe oo ka yaraa ayuu uga cabsaday xukunkiisii. Dabadeedna waa xiray. Wuxu ku xiray Qafas; dhismana wuu ku wareejiyay si aanu u bixi-karin dadna xiriir ula yeelan. 
Suldaan Axmed waa dhintay. Ka dibna shirqoolkii reerka gudihiisa ayaa bilaabmay. Shirqoolki wuxu soo saaray in amiir Mustafe suldaan noqdo. Maskax xanuunka Suldaan Mustafe waxa ka mid ahaa in uu laba hablood oo adoomihiisa ka mid ahaa ku amray in ay mar walba la socdaan iyaga oo qaawan. Taa waxa ka daraa maamulkii dawladda wuxu gacanta u geliyay dad aan ehel u ahayn, sida u madax ka dhigay nin reer miyi ah oo Suldaankoo socoto ah waraabiyay. 
Mustafa oo aduun isku qasay oo maamulkiisi kala daatayna waa la afgambiyey dibna Qafaskii loogu celiyay. Markanse waxa la raaciyay labada hablood ee qaawanaa.

hits Hits : 2384