Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Taariikhda Baal Dahab Ee U Macaawiye Bin Abi Sufyaan Kaga Jiro Islaamka Iyo Familki U Ka Soo Jeeday Oo Ku Tilmaanaa Kufri Iyo Kheyr Daro

Friday - October 26, 2018


Amiirkii u horeeyey dawladi Umawiyiinta, Amiir Macaawiye Bin Abi Sufyaan ahaana saxaabi Rasuulka soo gaaray, waxaa taariikhdu xusta in uu lahaa siyaasad loo bixiyey" Tinti Macaawiye" waxaa u yiri " Dadka xiriirka naga dhaxeya waxaa u le'egyahay Tinta oo kale, haddi la kala jiito waa u go'aya, haddise la isu dabciyo waa u jiraya, markii ay iga jiitaan waan u dabciya, markay ay iso raacaana waan soo jiita.
Waxa ay sido kale taariikhdu xusta in Shaabada amiir Macaawiye ay ku qorneyd " Wax kasta oo aad qabato waxaa aad ku leedahay Mashqaayad -Thawaab" 

Hadaba Mucaawiye Binu Abii Sufyaan wuxuu Amiir ahaa 20 sano oo u ka talinaayey dalka musllimiinta, waxaana waqtigiisi jiray dhibaato iyo fidna badan oo dhex tiilay islaamka, waxaasa la yaaba Amiir Macaawiye oo taariikhda islaamka kaga jira Baal Dahab ah inu ku barbaaray guri laga neceb yahay oo laga colaadiyo nebiga scw iyo diinta islaamkaba, wuxuu ku ababay guri gaalnimada asal u ahaa iyo nacaybka jidka ilaahay.

Mucaawiye wuxuu ka dhashay famil aad u khayr darraa oo kufaar iyo munaafiqiin miiran ahaa, Aabbihiis Abu Sufyaan wuxuu ahaa ninkii nebiga scww dagaalka ku waday oo nebigu scw diinta ka wadi waayey markii uu madiina uga soo hijrooday rasuulkuna scw ciidanka iyo colkana soo abaabuli jiray oo dagaal aan kala go' lahayn la hortaagnaa waxyiga ilaahay SWT.

Abu Sufyaan Dagaalkii Beder wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha kufaarta, dagaalkii Uxudna isagaa soo dumay ciidanka oo hoggaaminayey sidoo kale dagaalkii Axsaab ee muslimiinta la isu bahaysan jirayna Abu Sufyaan isagaa soo dumay colkii tirada badnaa isagoo doonaya inuu tirtiro diinta islaamka nebiga iyo mu`miniintana ka takhaluso!
Mucaawiye hooyadiisna waxay ahayd naagtii cuntay Beerkii Xamsa Binu Cabdi Mudalib oo ahaa nebiga scw adeerkiis Hinda Bintu Cutba ayaa la oran jiray .. Mucaawiye Eedadiis Aabihiis la dhalatayna waxay ahayd Arwi Bint Xarb Bin Umaya waa haweenti quraanku u baxshay "Xamaalatul Xadab" oo qodax iyo qashin iyo qoryo ayay nebiga scw wadadiisa ku daadin jirtay oo dhib iyo dagaal bay ku haysay Rasuulka ilaahay scw.
 
Mucaawiye walaalihiis ka waawaynaa oo la oran jiray Xandala Iyo Cumar, waxay ku dhinteen gaalnimo oo ma ayan islaamin, sidoo kale Mucaawiye reer abtigiisna waa ay habaarnaayeen oo dagaalka iyo dhibta nebiga scw waxay ugu wadeen sida Abu Sufyaan oo kale, waa nimankii dagaalka Beder bilaabay mubaarazada iyo dagaalka oo muslimiinta u soo baxay.

Tusaale Mucaawiye awoowgiis hooyadiis dhalay Cutba Bin Rabica, waxaa lagu dilay Beder waxaa mubaarazo ku dilay nebiga scw adeerkiis Xamza Bin Cabdi Mutalib, Cutba walaalkiisna Sheyba Bin Rabica, waxaa lagu dilay Beder oo nebiga scw ina adeerkiis Abu Cuneyda Bin Xaarith Bin Cabdi Mutalib ayay mubaarazo isugu soo baxeen, 
Mucaawiye abtigiis hooyadiis la dhashayna Walid Bin Catba, waxaa lagu dilay Beder waxaa mubaarazo ku dilay Saydina Cali Bin Abi Daalib.

Mucaawiye wiilkiisii Yasiid ahaana waa kii xasuuqay oo laayey ehelkii nebiga scw ku dhawaad 30 qof oo ah duriyaddii nebiga scw waa kii karbala ku xasuuqay oo xitaa saqiir ku jiray iyaga iyo mu`miniintii yarayd ee raacdayba!.
Dhan kasta oo aad Mucaawiye ehelkiisa ka eegto waxaad arkaysaa inay shayaadiin kufaara ahaayeen Aabayaashiis, Abtiyaashiis, Awoowayaashiis Eedooyinkiis, Walaalihiis iyo Hooyadiis iyo xitaa awlaadiisiiba waxay ku can baxeen la dagaalanka iyo la colaytanka nebiga ilaahay iyo ehelkiisa daahirka ah iyo dhamaan mu`miniintii raacday rasuulkeena scw. 

Mucaawiye wuxuu ka dhashay qoyskaas habaaran oo Saqiir iyo Kabiir Rag iyo Haweenba gaalnimada iyo kufriga isugu hiilinayey, isaguna dagaal iyo loolan ayuu la galay nebiga scw walaalkiis Cali Cs wiilkii faaudma Rasuulna ee Xasan ahaana sida la xuso waa uu sumeeyey, kadibna wiilkiisii Yasiid ahaa ayuu amray inuu tirtiro waxa ka sii haray dirkii nebiga scw wayna dhacday.
 
Silsiladi Reer Banii Ummaya waxay dagaal xukun-doon ku jiraanba ugu dambeyn waa laga guulaystay oo waxaa xukunki u wareegay Caabaasiiyiinta oo caasimadooda noqotay Baqdaad