Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dunida Islaamka Oo Liqi-Kariwaayey Lana Yaabay Qaabka Culimada Sacuudiga Uga Fal-Celiyeen Dilki Khashoogi

Wednesday - October 24, 2018




Makka Al Mukarama - Wakhti dunidu aad ula yaabban tahay qaabka Culimo badan oo Sucuudiyaan ahi uga fal-celiyeen Dilka Wariye Jamaal Khashoggi una difaaceen dhaxal sugaha Sucuudiga ugu awoodda badan Maxamed Bin Salmaan oo ay ugu dambaysay arrintii aadka loogu dhaliilay Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeysi uu ku bari yeelay Maxamed Salmaan ayaa waxa mar kale shucuubta islaamku liqi waayeen mid ka mid ah culimada wakhtigan casriga ah ee dhallinta yar Sheekh Almaqaamisi.

warbixintan oo laga soo qaatay Wargeyska Al-qudus waxa ay sheegaynaa in Sheekh Salaax Al- Maqamisi oo ka mid ah culimada dhallinyarada ah ee la dhacsan Maxamed Bin Salman kuna sugan Magaalada Nabiga (Madiina Al Munawara) ayaa waraysi u siiyey telefiishanka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay ku sheegay Raggii diley Wariye Khashuqji inay ahaayeen siddii kooxdii uu wadan jiray Saxaabigii weynaa ee Khaalid Bin Waliid oo kale oo diley nin la oran jirey Maalik Bin Nuweyrah xilligii uu socday dagaalkii lagu qaaday dadkii diinta ka noqday sidoo kale Khalifkii weynaa ee Abuu Bakarna aanu siin amarkaasi, 
Waxa kale oo uu sheekhu waraysigaa ku sheegay inuu Khaalid (RC) diley dad doonayey inay Islaamka qaataan oo markii Nebiga NNKHA loo sheegay uu yiri: “Ilaahayoow Waxa aan Beri ka ahay wuxuu Khaalid sameeyey”.
Dad badan oo sheekha dhegeysta ayaa liqi kari waayey hadalkiisan oo dhaliyey caro iyo aflagaado xoog ah oo baraha bulshada lagu qoray isaga oo lagu tilmaamay inuu yahay qof aan diin sheegayn ee taageradu la fogaatay isla markaana xumaynata sumcadda islaamka iyo xaqiiqooyin aan is khusayn oo uu isku keenay.

Sheekh Al-Maqaamisi waxa uu hawl-galka Jamaal Khashoggi lagu dilay ku sheegay mid la mid ah dagaaladii riddada halka uu kooxda dilka fulisayna ku sheegay kooxdii uu watay Khaalid Bin Waleed oo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii isna si weyn loogu dhaliilay baraha bulshada Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi oo isna khudbaddii jimcaha ku tilmaamay Maxamed Bin Slamaan nin garab daar leh oo lagu ilhaamiyey inuu dadka wax u qobto.

isku soo wada duuboo waxa ay u muuqataa culimada taageersan qoyska reer Boqor ee Sucuudiga ahi in ay aad ugu fashilmeen taageerada indho la’aanta ah ee ay siiyaan qoyskaasi wakhti dunidu aad u dhaliilsan tahay sida ay u dhaqmayaan qoyskaasi.