Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Isbarbar-Dhig Tataarkii-Mongol Ee Boobay Hantidi Khulaafadi Islaamka Ee Tiil Baqdaad Iyo Boobka Arxan Darada U Trump Maanta Ku Hayo Hantidi Sacuudiga

Thursday - October 18, 2018


Taariikhda Waa Xarig Taxan Oo Is Daba Yaala .. Taariikhdu Dadkay Barta In Ay Dantooda Gartaan Iyo Iney Wax Ka Bartaan Qaladki Shalay .. Sida la wada ogyahay sheekada ama qisada Tataarki-Mongolians ee hormoodka u ahaa daalimki weynaa Ee Jenkis-Khan, waxuu duulaankiisa ahaa musiibo weyn oo waqtigaas ku habsatay dunida gaar ahaan dawladi awooda wayneyd ee Cabaasiyiinta oo wakhtigaa ahayd hormoodka islaamka .. waa dhacdooyin sanado socday oo murugo badan lahayd, waxay ahayd colaad, barakac, dhalan-dhool Qax iyo naf-bax iyo halaagii malaayiin muslimiin ah oo isugu jiray Rag, Dumar, Caruur iyo Cirooleba,  Waxay ahayd dhacdo xanuun badan oo midba mid ka sii darantahay ilaa laga soo gaaray jabintii Tataarka iyo dagaalkii "Caynu-jaaluut".
 
Hadaba uma socda inan idinka waramo qisadan, balse waxan nuxur ku soo koobayaa boobkii dhaqaale ee waqtigaas loo geystay caasimadi Baqdaad iyo waxaa maanta ka aloosan xarunti Waxyiga Xijaas Iyo Sida madaxweyne Trump u ka damacsanyahay boqortooyada Sacuudiga, taaso aan ula jeedo iney noo noqoto tusaale qaadasho, Cibro, ka fikir iyo ka faaiidaysi mustaqbalka loo isticmaalo
 
Sheekadaan oo xaalkeedu marayo Riwaayadi la oran jiray Xaajoba la Yaab leh, waxaan ku soo koobaya oo is barbar dhigaya Madaxweyne Trump oo maata si qoob ka ciyaar ah u difaacaya Dhaxal-Suge Maxamed Bin Salmaan iyadoo ujeedada u ka leeyahay ay tahay inu xambaarto xaaluf ka yeelo gacanta ku dhigo dhamaan hantida Doolarka, Dheeman iyo wixii Dahab ee dibad iyo gudo Sacuudiga u Yaal .. Trump wuxuu dadkiisa ku qancinaya oo yiraahda: war Boqorka ii daaya inta aan xoolaha iyo hantida ka qaadeyno, kadibna waa gawrac iyo xabaasha oo loo jiido

Dhinaca kale Taariikhda qoran Oo barbardhig u noqn-karta Tan Trump u maanta ka damacsanyahay Sacuudiga, Taariikhdu waxay sheegeysa in marki Taataarku qabsaday Baqdaad wuxuu hor-joogihi Jenkis-Khan amray inaan la dilin Boqorki khilaafada islaamka oo markaas la oran jiray "Al-Muctasim Bilaah" iyado ujeedadu ahayd in marka hore u sheego halka hantidiisa Dahab iyo Dheemanka yaaliin , kadibna la gawraco. dabadeed boqorkii ( Khalifki) Al-Muctasim wuxuu Qoomkii Tataarki tusay oo ku wareejiyey malaayiin Dahab iyo khasnado Dheeman ka buuxaan oo meelo kala gadisan ku kala qarsoonaa oo haddi horay loo dili lahaa aan la arkeen, ka dibna boqorki markii wax walba u sheegay ayaa Horjoogihi Jenkis Khaan Ku Yiri: War Duliyahow doqonka ah, waxaan oo hanti ah hadaad haysatay maad ciidan naga kaa difaaca sameysatid ..  Ugu dambeysti seefta lagu boobay, waxaa lagu hor gawracay 600 Dumara hortood oo isugu jiray wax u qabay iyo wax jawaari u ahaa.