Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxweyne Trump Oo Noqday Goos-Danbeed Suus Galay .. Dilki Qoraaga Khashoogi Oo La Rabo In Laga Dhigo La Jiifiyaana Banaan La Xoojiyaana Banaan

Monday - October 15, 2018


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahadal khadka telefoonka kula yeeshay Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis oo ay ka wadahadleen arrinta qoraaga Jamal Kashoqgi.

Trump ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga uu si weyn u beeniyey in Sacuudiga wax lug ah ku leeyahay ama wax ka ogyahay saxafiga la waayey, wuxuuna intaas ku daray in wadahadalka uu la yeeshay Boqorka Sacuudiga uu ka fahmay in qoraaga Jamal Kashoqgi ay dileen kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Mareykanka inuu xoghayihiisa Arrimaha dibadda si degdeg ugu dirayo Sacuudiga si uu arrinta usoo kala caddeeyo, kulamo dheeraad ahna ula yeesho madaxda Sacuudiga.

Arrintan ayaa soo baxeysa, iyadoo Sacuudiga olole ugu jiro inuu iska leexiyo tuhunka saaran ee dilka qoraaga Jamal Kashoqgi, waxaana wax lagu qoslo ku tilmaamay warkan xubno ka tirsan senet-ka Mareykanka.