Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Amiir Maxamed Salmaan Inkaarihi Meel Is Ku Qaadka Uu Galay Oo Ay Ku Qaraxday .. Warki Ugu Dambeeyey Ee Kiiska Dilki Jamal Khashoogi

Sunday - October 14, 2018


Wali waxa warbaahinta Adduunka si weyn u haysta xog-warranka iyo baarista lagu wado qaabkii loo khaarajiyey Wariyihii caanka ahaa ee Sucuudiga u dhashay Mr. Jamaal Axmed Khaashuqji , balse wararkii ugu dambeeyey oo laga soo ururiyay qaddiyadda ninkaasi iyo sidii loo dilay waxa aanu u eegi doonaa warbixntan:

Wararkii ugu dambeeyey ee haddaba soo baxayaa waxa ay sheegayaan in ninkan wariyaha ah qaab qorshaysan oo argagax leh loogu dhex dilay qunsuliyadda kadibna maydkiisa loo tahriibiyey dhinacaa iyo magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga, walise aan la kala ogayn hannaanka Turkiga looga saaray meydkiisa. Warbixino isku dhawdhaw oo ay saacadihii ugu dambeeyey warbaahinta Aljazeera, Kuwa Turkiga iyo kuwa reer Galbeedku ka soo warinayeen qaddiyadda ninkan ayaa waxa ay tibaaxayaan kaartada Wariye Jamaal Axmad Khashoggi loo dilay, sida maydkiisa loo qaaday iyo hannaanka loo fuliyey qorshaha hawl-galkan.

Kamaradaha ilaalada ah ee qunsuliyadda ku xirnaa wax sawirro ah may duubayn waxaana loo demiyey hab-ku-tala gal ah. Muddo saddex saacadood ah ayuu ninkii Jamal Ahmad Khashoggi ku jiray qunsuliyadda iyada oo ay haweenaydii reer Turkina iyada oo yaabban dibadda taagnayd. Khadija waxa ay isku dayday in ay qunsuliyadda waydiiso waxa dhacay ee Jamaal muddoda intaasi le’eg ugu maqan yahay gudaha waxaana u soo baxay nin Sucuudiyaan ah oo u sheegay in ay meesha isaga tagto maadaama aanay  cidi meeshaba ku jirto. Waxa uu u sheegay in aanay cid aan shaqaale ahayni ku jirin qunsuliyadda. Halkaasi ayay Khadiija shaki weyn ka qaadday isla markiibana ay ku ogaysiisay ciidamada ammaanka ee Turkiga.

Yaa Amray Dilka Jamal Ahmad Khashoggi?

Waxa Amray dilka ninkan sida la xaqiijiyey Dhaxal-sugaha Boqorka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis. Shakhsiga ugu awoodda badan wakhtigan Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xogaha cusub ee haddaba dilka Khashoggi waxa ay tibaaxayaan in rag u diyaarsani qudha kaga jareen Miinshaar gaar ah oo Afaysan taasi oo si arxan darro ah loogu jarjaray jirkiisa kadibna maydkiisa oo xubin xubin loo jarjaray ku riday kiish gaar ah. Mudadii dilka la fulinayay waxa ay xoganahi sheegayaan in koox ka mid ahayd 15-ka nin ee hawshan loo soo diray ay ka mid ahaayeen koox maqal iyo muuqaal ahaan u duubayay falkan iyada oo la sheegayo in hawlgalkan si toos ah looga daawanayay Sucuudiga oo uu la socday Maxamed Bin Salmaan si uu u xaqiiqsado gudashada waajibka uu diray.

Markii hawl-galkani dhammaaday waxa qunsuliyadda isa soo taagay dhawr gaari oo ka mid ahaa 7 baabuur oo madmadaw kuwaasi oo ku kala sugnaa goobo kala duwan oo hawl-galkan loo xil saaray. Dhammaantood waxa ku xirnaa taargada Qunsuliyadda ee Diblomaasiga ah. Afar ka mid ah ayaa yimid qunsuliyadda waxaana ka raacay raggii hawshan fuliyay loona malaynayo in ay sidaa ku saareen maydkii Jamal Khashoggi. Afar saacadood kadib markii wariye Khashoggi qunsuliyadda galay ayaa gaariga ugu dambeeyaa qunsuliyadda ka dhaqaaqay iyada oo ay saddex kalena ka horreeyaan sidaasi ayaanay ku libdheen iyada oo aanay cidina ogayn halka ay u socdeen iyo waxa ay sideen toona.

Diyaaradda maydka Jamal Khashoggi la saaray iyo in ay kooxdani qaadday maydka oo ay dhinaca badda Lubnaan iyo Turkiga u dhaxaysa marisay. Waxaase la isku waafaqsan yahay in kolay mid ka mid ah labadan qorshe uu ahaa yool habaabin. Waxaana gaadiidkaasi u suurto galiyey in ay kun iyo dheeraad Kiiloo Mitir socdaan baaris la’aan taargada ay siteen ee diblomaasiga ah.

Shakiga ugu weyn ee maalintaasi wixii ka dambeeyey dhacay waxa uu noqday markii safaaradda Sucuudiga ee Turkigu ay Madaxda Turkiga ka codsatay in dib loo dhigo baaritaan lagu sameeyo qunsuliyadooda falkani ka dhacay.

Kooxda 15-ka nin ka koobnaa waxa ay isugu jireen Masuulka sirdoonka Sucuudiga u qaabilsan baaritaanka xubnaha jirka aadamaha, koox sawir iyo cod qaadayaal ah, sirdoonka gaarka ah ee Maxamed Bin Salmaan iyo xubno dilalka khaarajinta ah fuliya. Waxaanay magacyadoodu kala yihiin:

Salaax Al-dabiiqi
Mishcal Al-bustani
Nayef Al-cariifi
Maxamed Al-zahrani
Mansuur Abaa Xuseen
Khaalid Addayibi
Fahad Al-balwi
Maahir Mitrab
Dacaar Al-xarbi
Turki Al-shahri
Waliid Al-shahri
Cabdulcasiis Al-xasawi
Badar Al-Cutaybi
Mustafa Al-damani
Sayf Al-qaxdaani
Ugu dambayn Wargeyska Washington Post waxa uu shalay daabacay war la xiriira in dawladda Turkigu ay Maraykanka u gudbisay cajalad ay ku duuban yihiin cod argagax leh oo lagu sheegay in uu yahay cod ay ka heleen qalabka wax duuba ee qunsuliyadda Sucuudiga oo muujinaya markii Khashoggi la dilayay. Si kastaba ha ahaatee wali dawladda Sucuudigu ma aanay qiran dilka ninkaasi waxaanay shalay Turkiga u soo direen wafti ay sheegeen in ay Turkiga ka caawin doonaan sidii baaritaanka loogu samayn lahaa Kiiska Jamaal Khashoggi.