Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Raiisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Oo Si Yaab Leh Ku Qanciyey Milatari Gadood Sameeyey

Thursday - October 11, 2018


Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Milatariga Itoobiya oo gadoodsanaa ayaa shalay socod ku tagay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku leeyahay magaalada Adis Ababa.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa dalbanayay in la siiyo mushaarkooda sidoo kale loo kordhiyo, waxa ayna ciidankan ku labisnaayeen dareeska Milatariga iyaga oo qaarkoodna ay hubeeasnaayeen taas oo cabsi iyo dareen badan abuurtay.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran , waxa ayna ciidankan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha tageen iyaga oo gaardiinaya si wanaagsana u dhaqmaya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa markii dambe ciidamada gadoodka sameeyay usoo baxay lana kulmay, waxa uuna marka hore Ra’isul Wasaaraha ku amray ciidankan in ay sameeyana jimicsi gaar ahaan buush ab uu isagu bilaabay.

Abiy Ahmed ayaa wadahadalo kadib ciidankan ku qanciyay in wax badan laga qaban doono cabashadooda, waxaana la arkayay sawiro uu Ra’isul Wasaaraha la galay ciidankii gadoodsanaa oo markii dambe iyaga oo faraxsan dib ugu laabtay xeryahooda.

Gadoodka ay sameeyeen ciidamada Milatariga Itoobiya ka tirsan ayaa dareen badan ka abuurtay magaalada Adis Ababa, waxaana dowlada si deg deg ah u jartay khadkii Internetka inkastoo markii dambe lasoo daayay.