Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Xaaskii Fircoon .. Aasiya Boqoradi Muminiinta Eebbe Ha Ka Raali Noqde

Friday - October 5, 2018


Boqorad Aasiya waxay ku kortay guri boqortooyo, waxayna ku nooleed nolosha boqorada, waxayna arki jirtey boqorka kibirkiisa iyo awoodiisa, iyo sida ay uga dambeeyaan dadka boqorka, sidaas ay tahayna iimaan ayaa qalbigeeda galay. Waxayna ka bariday Rabbigeed inuu ka badbaadiyo noloshan Lagu jiro, Eebbana waa ka aqbalay ducadeedii, wuxuuna ugu yeelay tusaale dadkii mu’miniinta, oo wuxuu Eebbe Kor Ahaaye ku Yiri Qur’aankiisii:
”Oo wuxuu Eebbe tusaale ugu soo qaadanayaa dadkii rumeeyey xaaskii Fircoon ”Aasiya” mar ay tiri Rabbigeeyow iiga dhis agtaada Qol Jannada igana nabadgeli Fircoon iyo wuxuu sameeyo igana nabadgeli dadka gardaroo-layaasha ah”. [Surat At-Taxriim, 11]

Rasuulkii Eebbana N.N.K. Wuxuu Yiri:
"Dumarka ugu wanaagsan ee reer Jannaad waa: Khadiija ina Khuwaylid, Faadumo ina Maxamed, Maryan iyo Aasiya".
Aasiya waa ina Muzaaxim –xaaskii Fircoon – taasoo u ahayd tusaale uu waariyey Qur’aanka mu’minadda si run u rumeysay Rabbigeed, Waxay ahayd qoftii markii ay ogaatay jidka saxda ah raacday iyadoon ka cabsanayn xumaan, oo waa tii rumeysay Eebbe rumayn dhab ah.

Hanjabaadii Fircoonna dheg jalaq uma aysan siin, kumana guuleysan inuu ka fogeeyo jidka toosan iyo hanuunka. Waxay ganacsi la gashay Eebbe, waa ayna ku faaidey ganacsigeedii, waxay ku gadatay magaceedii boqornimo, xoolaheedii iyo adeegayaasheedii qiimo qaali ah, oo ah qol ku yaala jannada iyo iney Xaas rasuulka ugu noqoto ”aakhiro”.

Waxaa lagu sheegay marwo Aasiya Eebbe ha ka raali noqdee sheekadii Nebi Muuse N.K. markuu Eebbe u wax-yooday Nebi Muuse hooyadiis iney ku riddo nebi Muuse sanduuqa, sanduuqaasna ay ku riddo badda, uu ku jiro Nebi Muuse, hirkuna wuxuu u wadi xagga xeebta uu ku yaallo madaxtooyada Fircoon; oo dabadeed waxaa soo qaaday gabdhihii, waxayna soo geliyeen madaxtooyadii, markay aragtay xaaskii Fircoon ilmahaasi ku jira sanduuqa; ayaa Eebbe aad u jecleesiiyey.

Oo Fircoon ayaa u yimid inuu dilo – siduu ku samayn jirey ilmihii kale ee ay dhaleen reer Israaiil – oo waxay ka codsatay inuusan dilin; si ay uga dhigato ilmo maadaama aysan dhalin ilmo. Sidaas ayuuna Eebbe ku badbaadiyey Nebi Muuse oo uu ku noolaado gurigii Fircoon.

Eebbe kor ahaaye wuxuu yiri:
" Oo waxaan u waxyoonnay Hooyadii ”Nebi” Muuse iney nuujiso oo haddaad u cabsato ku rid badda oo ha ka cabsan oo ha murugoon waannu kuu soo celin oo waxaannu ka yeeli mid ka mid ah rususha. Oo waxaa soo qaatay reer Fircoon si uu ugu noqdo Col iyo Murug runtii Fircoon iyo Haamaan iyo labadooda ciidan waxay ahaayeen dembiilayaal".

Waxay tiri xaaskii Fircoon ”Aasiya”

" Waa inoo indho qabowsi aniga iyo adiga ha dilin waxaa laga yaabaa inuu wax na taree ama aan ka dhigano ilmo’’. (iyagoon dareemeyn”. [Surat: Al-Qasas, 7-9].

Marwo Aasiya waxay ahayd garaadley, naxariisley, kumeyna raacin is-laweynadii uu qabey ninkeeda, umana rumeyn ilaahnimadii uu sheeganayey iyo iney dhaleen ilaahyo.

Markuu korey nebi Muuse oo uu weynaaday wuxuu aaday Madyan, isagoo ka baxsanaya dhibkii Fircoon iyo ciidankiisii dabadeedna wuxuu ku noqday Masar mar kale markuu Eebbe rasuulnimo u soo diray – waxay ka mid ahayd xaaskii Fircoon dadkii ugu horeeyay ee rumeeya Nebi Muuse.

Ugamana cabsan Fircoon ninkeedii iney rumeysay Eebbe, markaasuu isla sii weynaaday, sidee ayey xaaskiisa nolosha ay wada qeybsadaan ku rumeysay, oo isaga ay ku rumeyn weysay. Oo wuxuu bilaabay inuu cadaabo si ay uga gaalowdo, oo wuxuu faray in loo cadaabo sida ugu daran; si gaalnimadii dib ugu noqoto, hase ahaatee isma bedelin oo waxay Rabbigeed ka bariday inuu ka nabadgelyo Fircoon iyo wuxuu sameeyo.

Eebbana wuu ka aqbalay ducadeedii, maxaa yeelay waxay rumeysay Rabbigeedii, waxayna u adkeysatey iimaankeedii darteed si kastoo loo cadaabo, ka dibna waxay istaahishay iney ka mid noqoto dumarkii jannada ku waarayey oo rasuulkii Eebbe run buu sheegay markuu yiri:

‘’Waxaa la dhamaystiray niman badan, lamana dhamaystirin dumarka waxaan ka ahayn Aasiya xaaskii Fircoon, Maryan ina Cimraan, runtiina wanaaga Caaisho dumarka ka wanaagsan tahay waa sida Sariidka ”cunto ka kooban rooti, hilib iyo maraq” uu uga wanaagsan yahay cuntooyinka kale’’. Al-Bukhaari, Muslim, At-tirmidi iyo ina Maajah.