Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Trump Oo Ku Hawlan Gabagabeynta Gabi Ahaanba Somaliya .. Ciidamadi Mareykanka Oo Sii Balaarinaaya Garoonka Diyaaradaha Ee Ballidoogle

Monday - October 1, 2018


Dowladda Mareykanka ayaa malaayiin dollar ku bixineysa dhismaha mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku dhwaaqday in lacag gaareysa 12.3 milyan oo dollar ay ku abaal-marisay shirkad fadhigeedu yahay gobolka North Carolina oo lagu magacaabo URS Group, taasi oo fulin doona dayactir deg deg ah oo lagu sameynayo dhabbaha diyaaradaha ay ku ordaan ee garoonka Balli Doogle ee goblka Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay sheegtay in dayactirka uu ku jiro in si qoto dheer loo dhiso dhabbaha, si ay u fududaato howlgallada ee diyaaradaha ku samaynayaan garoonkaas.

Dhismaha garoonka ayaa la filayaa in lasoo geba gebeeyo bisha September ee sanadda 2019, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhabbaha garoonka Balli Doogle ayaa dhererkiisu dhan yahay 3.2 km, waxaana sanadadiihi toddobaatamaa-dkii loo dhisay ciidamadii milatariga Soomaaliya, oo xilligaas taageero ka helayey Midowga Soviet ama Ruushka.

Garoonka ayaa waxaa hadda isticmaala, oo deggan ciidamada Mareykanka ee howl-gallada ka fuliya Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Amisom, oo ayna wehliyaan ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.