Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Naxdin Dar-Dar Leh Baa Timid .. Amiir Maxamed Bin Salmaan Cabsi Soo Wajahday Awgeed Oo Duco Iyo Alle Bari Galay

Wednesday - September 26, 2018


Jaran-jaradii Maxamed Bin Salman uu koray si uu noqdo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa hogaamisay cadow badan oo uu ku yeesho gudaha iyo dibedda dalkaas.

Go’aanka 32 jirkan ayaa qalalaase ka dhex abuurtay gudaha boqortooyada waxaana hadda shaki badan uu ku jiraa amnigiisa, sida uu shaaca ka qaaday Bruce Riedel oo ah agaasimada Mashruuca Sirdoonka ee Machadka Brookings .. Warraka ayaa sheegaya in Maxamed bin Salman uu ka war-hayo in amnigiisa halis uu ku jiro.

“Isaga oo amnigiisa u cabsanaya, ayaa dhaxal-sugaha waxa uu habeenno badan ku hoydaa doontiisa raaxada ee laga bixiyey Nus Bilyanka dollar, taasi oo taalla xeebta Jeddah” ayuu Riedel ku qoray wargeyska Al-Monitor, Waa doon uu ku raaxeysto, balse sidoo kale waa doon uu ku baxsado oo uu ku dhuunto” ayuu ayuu Riedel warkiisi raacshay

Xariga uu Bin Salman sanaddii tagtay kula kacay xubnaha ka midka ah qoyska boqortooyada oo uu ku eedeeyey musuq-maasuq, ayaa ahaa qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyo, sida uu sheegay Ridel. Waxay tani cadow badan uga abuurtay gudaha, waxayna dadkii maal-gashiga damacsanaa ee dibedda ku beertay cabsi xooggan.

Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa amiir Mutaib bin Abdullah, oo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada qaranka Sacuudiga, taasi oo ka careysiiyey xubno badan oo qoyska boqortooyada ka mid ah, kuwaasi oo iminka uu iska ilaalinayo.

Wiilka Boqor Salman ayaa sii ahaan doono dhaxal-sugaha inta aabihiis nool yahay, hase yeeshee haddii aabihiis dhinto ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa in qalalaase uu ka dhex qarxo boqortooyada, islamarkaana magacaabista boqorka cusub ay noqon doonto mid dhiig uu ku daato.