Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

In Qofka U Caafimaadkiisa Fiican-Yahay Micneheeda Waa Inuu Caafimaad Qabo .. Ma Ogtahay In Wadnuhu Jirka Intiisa Kale Ka Hor Gaboobi Karo

Monday - September 24, 2018


Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo arrintan darasad ku sameeysay ayaa waxay sheegtay Cudurrada wadnaha oo ku dhaca dadka ay da’doodu ka sarreyso 75 jir in 80% laga sii hortagi karo ayna ka yimaaddaan cuntooyinka aan qaadano.

“Cunnooyinka aan caafimaadka u wanaagsaneyn oo aan isticmaalno shanti qofba afar ka mid ah dhimasha ayey u horseedaan” ayey leeyihiin khubarada daraasadda sameeysay.

Si ay dadku caafimaadkooda u ilaashadaanna waa iney sigaarka cabbin, cunnooyin isku dheelli-tairan oo aan caafimaadka dhibaato u keeneyn ay cunaan, isla-markaana ay sameeyaan jimicsi joogta ah.

Khubaradu waxay intaa ku darayaan dadka ay da’doodu ka sarreyso 30 jirka iney baaritaan ay ku ogaanayaan wadnahooga inta sana oo uu jiro ay sameeyaan, qalabka lagu ogaado da’da wadnahana waxaa loo yaqaanno heart-age-test.

Baaritaanka gaarka ah oo wadnaha xaaladdiisa lagu ogaanayo waxay ka qayb qaadanaysaa in cudurrada wadnaha haleeli lahaa laga sii hortago gaar ahaanna cudurrada kediska ah ee wadnaheenna haleeli kara.

Baaritaankana wuxuu digniin kaa sii siinayaa cudurka wadnaha ee kuugu soo socdo ama aad halista ugu jirto, Waxayna khubaradu sheegayaan sababaha wadna xanuunka degdegga ah keeni kara iney ka mid yihiin:
Buurnida (hilibka) saa’idka ah
Dhiig karka aadka u sarreeya
iyo qofka oo aan Jimicsi sameyn.
Haddaba sideen caafimaadka wadna-heenna ku ilaashan karnaa?
Ka fogoow cabidda Sigaarka
Ka fogoow cabidda Khamriga
Miisaankaaga ilaali (hilibka iska ilaali)
Cuntooyinka aad isticmaaleysid khudaar ha u badato
Cunnooyinka dufanka leh iska yaree
Ugu yaraan maalinti dhowr jeer khudaarta isticmaal
Cusbada iska yaree
Kalluunka badso
Cunnooyinka sijilka ah (xiran) ee warshadaha soo maro isticmaalkooda yaree.
Khubarada daraasadda sameeysay waxaa kale oo ay sheegeen inta ay baaritaanka ku guda jireen dad gaaraya 2 milyan oo qof oo baaritaan sameeyey in 78% ka mid ah wadnahooda uu da’da ay jiraan uu ka hor gaboobay.

34% dadkaasi wdnahooda 5 sana ayuu ka weyn yahay, halka 10% uu wadnahoodu uu ka weyn yahay 10 sano.
Dalka Britain oo keli ah sanad walba waxaa wadna xanuun ugu dhinta 84,000 oo qof.