Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanka Ee Saxaabada .. Qisadii Saxaabigi Weynaa Julaybib

Tuesday - September 18, 2018


●Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu Madawyahay, dhirirkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaale ahaan iyo magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina.

●Qabiilkiisa lama garanayo, wuxuu Nabiga (scw)ugu tagi jiray maryihiisa oo jeex-jeexan, mana uusan lahayn wax hanti ah marka laga reebo Kabaha uu sito iyo Maryahaa uu gashan yahay. Wuxuu seexan jiray Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

●Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nabigii illaahay (scw) u yeeray kuna dhahay “Juleybiiboow Miyaanad guursanayn? Juleybiib waxa uu dhahay; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya? Qurux, Jaah iyo Xoola toona malihi. Hadana maalintii xigtay ayuu Nabigu (scw) waydiiyey isla su’aashii shalay, waxaanu dhahay; “Juleybiibow Miyaanad guursanayn?” Wuxuu dhahay Juleybiib; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya! Muuqaal, Xoolo iyo Qurux toona ma lihi. Maalintii xigatay ayuu hadana Nabigu sidii oo kale u waydiidyey, Juleybiibna sidii unbuu ku jawaabay.

●Nabigu (scw)waxa uu ku yiri; Juleybiibow bax oo tag guri uu lahaa Nin saxaabadii Ansaarta ka mid ahaa kuna dheh; “Waxa isoo diray Rasuulkii Ilaahay waxaanu idinka doonayaa gabadhiina si aan u guursado”.

●Markii hore reerkii waxay moodeen in Nabigu gabadha soo doonay markaasay isku dhaheen; Cidna uma diidayso gabadhan Rasuulkii Ilaahay. Kadibna waxa loo sheegay in Nabigu aanu nafiisa u rabin ee uu Juleybiib udoonayo.

●Gabadha aabaheed waxa uu yiri; “Ma Juleybiibkan faqiirka ah ee Muuqaal iyo Xoolaba aan lahay ayaa Gabadhayda soo doontay!! Markaasuu yiri waxaan la tashanayaa gabadha hooyadeed. Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in Juleybiib oo ah dadka ugu faqiirsan magaalada Madiina soo doontay gabadheedii ayey dhaaratay oo tiri Gabadhayda oo aan u diiday Hebel iyo Hebel sideebuu usoo doontay Juleybiib oo aan qurux, muuqaal iyo xoola toona lahayn!!!!

●Gabadhii lasoo doontay oo ahayd gabar Mu’minad ah oo ku kalsoon Illaahay iyo Rasuulkiisa ayaa waxay ku tiri waalidkeed; Aabe iyo Hooyo Ma waxaad celinaysaan Nin uu soo diray Rasuulkii Ilaahay, Illaahaan ku dhaartee waan guursanayaa Juleybiib, markaasay sii raacisay hadalkeedii Aayada Quraanka ah ee suurada Axzaab: 36
"kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweenay Mu’minad ah Marka Illaah iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Illaah iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay lumid Cad". Axzaab:36

●Gabdhii qalbigeeda iimaanku ka buuxay ayaa dhahday; Illaahaan ku dhaartee Juleybiib waan guursan, Rasuulka Illaahayna ima dayacayo. Markay gabadhii go’aankaa gaartay ayey aabaheed iyo hooyadeedna waafaqeen, waxayna gudo galeen in la isku arooso.

●Juleybiib gabadhii ugu qurxoonayd Ansaar ayuu guursaday, balse markii la gaaray habeenkii arooska ama dhawr casho kadib arooskii ayaa loo yeerey waxa loogu yaboohay dadkii Mu’miniinta ahaa Dagaal lagu dirirayo Jidka Ilaahay.

●Juleybiib waa soo baxay oo wuxuu soo qaatay aaladii uu ku dagaalamayey, waana ka qaybgalay dagaalkii. Markuu dhamaaday Dagaalkii ayaa la tiriyey dadkii muslimiinta ka geeriyooday (Shuhadadii). Kadibna Nabigii (NNKH) Ilaahay ayaa waydiiyey saxaabadiisii; “Yaa maqan dadka geeriyooday? Saxaabadii waxay tiriyeen dadkii ay garanayeen, waxayna ka tageen Juleybiib. Markaasuu dhahay Rasuulkii Eebe; (Anigu waxaan waysanahay walaalkay Juleybiib) 
Ka dibna waa la raadiyey Juleybiib oo waxaa la helay isagoo geeriyooday oo agtiisa ay yaalaan todoba ka mid ah gaaladii la dagaalamaysey oo mayd ah, kolkaasuu Nabigii Ilaahay ooyey (NNKH) oo dhahay; ” Wuxuu dilay Todoba, Isagana way dileen, kani aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isagaan ka ahaaday waana ku celceliyey erayadaas Rasuulka illaahey (scw) dhawr jeer. Kadibna waxa uu madaxii Juleybiib saaray dhabtiisa (N.N.K.H)

●Nabigu waxa uu faray saxaabadiisa inay qabri u qodaan Juleybiib, waana loo qoday qabrigii lagu duugayey saxaabigan qaaliga ah. Anas ibnu Maalik oo xadiiskan warinaya waxa uu leeyahay; Illaah baan ku dhaartee intaan qodaynay xabaashii lagu aasayey Juleybiib waxa uu saarnaa jirkiisii daahirka ahaa bawdada Nabiga, kadibna isaga oo aan la dhaqin ayaa la duugay.

●Gabadhii uu ka dhintay Juleybiib oo ajiibtay amarkii Rasuulkii Illaahay ayadana waxa markay cido baxdayba soo doontay saxaabadii waaweynaa. Nabiguna gabadhaas waa u duceeyey oo waxa uu dhahay;
"Rabbiyow waxaad ku shubtaa ama ka buuxisaa (marwadii Juleybiib ka geeriyooday) khayrka shubis, hana ka yeelin nolosheeda mid kadeed ah".

●Illaah (swt) ducadii waa ka ajiibay Nabigiisa (scw) oo gabadhii waxay noqotay dumarka ugu xoolaha badan magaalada Madiina.