Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Somalida Waxay Tiraahda Rag Talo Kama Dhamaato .. Madaxweynaha Jabuuti Iyo Eritrea Mudadi Dheereyd Keeb La Yuur Ahaa Oo Caawa Ku Kulmay Jedda

Monday - September 17, 2018


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa sanado kadib markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Kulankan oo caawa ka dhacay Jeddah ayaa daba socda kulamo ay ku martiqaaday boqortooyada Sucuudi Carabiya inay ku dhexdhexaadiso wadamada geeska Afrika ee khilaafka uu sanado badan u dhexeeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel al-Jubair ayaa goobjoog ka ahaa kulansiinta labada Madaxweyne, isagoo sidoo kale kulansiiyay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Labada dal ayaa dib u soo celinaya xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay, iyadoo laga heshiinayo colaadii soo jiitameysay ee muranka xuduuda labada dal.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa shalay heshiis taariiqi ah ku kala saxiixday dalka Boqortooyada Sacudi Carabiya waxaana la filayaa in marka uu dhamaado kulamada ay yeelanayaan Madaxda Jabuuti iyo Eritrea ay heshiis kala saxiixdaan.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa ka shaqeysay kulansiinta Labada Madaxweyne ee deriska ah, waxaana Boqortooyada Sucuudi ay door weyn ka qaadatay inay soo afjarto colaad u dhaxeysay dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa khilaafkooda waxa uu salka ku hayay iska horimaad ku dhex maray xadka kala qeybiya labada dal bishii June 2008-dii, iyadoo dowlada Jabuuti xilligaas ku eedeysay dalka deriska la ah ee Eritrea inay ka soo gudubtay xadkii kala qeybinayay labada dal.