Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Konfur Galbeed Oo Qaaday Talabo Kale Oo Ka Dhan Ah Dawlada Fedaraalka

Wednesday - September 12, 2018


Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay iyadoo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gebagabeeyay Sabtidii inay hakisay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi.

Waxaa kulankaas shir guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna cod gacan taag ku anisixiyeen in xiriirka loo jaro dowlada dhexe oo ay ku eedeynayaan iney arrimo dhowr ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhamaan shaqaalaha Wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya illaa amar dambe.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaaday talaabadan oo kale, waxaana qaarkood ay sidoo kale diideen iney ka soo qeyb galaan kulanka uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana dad badan ay isweydiinayaan halka dowlad goboleedyadu u socdaan haddii ay diideen dowladii ay qeybta ka ahaayeen.