Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

US- Dallas: Haweyney Boolis Habow Ah Oo Nin Madaw Gurigiisa Ku Dhex Dishay

Monday - September 10, 2018


Haweeney boolis ah oo lagu magacaabo Amber Guyger islamarkaana ka mid ah booliska magaalada Dallas ee gobolka Texas ayaa si khalad ah u dishay nin madow ah kadib markii ay ku khaladay gurigeeda guri ku dhaggan oo uu daganaa nin madow ah.

Guryaha la isku khalday oo ahaa nooca loo yaqaan apartments ama flats ayaa isku ekaa, waxaana boolisada oo wali xirneyd dharkii ay shaqada kaga soo baxday ee booliska ay gashay gurigii ninka madoobaa daganaa oo ay u qaadatay in uu keeda ku jiray islamarkaana uu tuug ahaa.

Botham Jean (26-jir) oo lagu magacaabay ninka la dilay ayay ku dhufatay dhowr xabadood, kuwaas oo uu u geeriyooday ugu dambeyn isaga oo isbitaalka ku jira.

Dariska ayaa maqlay dhawaqa haweeneyda booliska ahyed yaas oo ku qeylineysay “Fur, fur albaabka”, iyadoona marki uu furay xabadaha ku dhufatay.

Allison Jean oo ah hooyada dhashay wiilka la toogtay ayaa sheegtay in haweeneyda booliska ah aysan ku deg-degi laheyn xabadda haddii wiilkeedu uu caddan ahaan lahaa.

Ninka la dilay ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo wax bartay islamarkaana shaqo fiican haystay.