Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warkii Ugu Dambeeyey Shirki Madaxda Maamulada Gobolada Uga Socday Kismaayo

Thursday - September 6, 2018

Wararka laga heleyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow dhow madaxda ayaa sheegay in kulamada xalay ay gaareen ilaa waqti dambe, maadaama madaxda ay aad u gorfeynayeen waxyaabaha diirada lagu saarayo Warmurtiyeedka laga soo saarayo Shirka.

Madaxda qaar ayaa qaba in Ahmiyadda la siiyo sidii dowladda Soomaaliya ay ka madax banaanaan laheyd doorashooyinka ka dhacaya maamulada qaar, halka madaxda kalana ay qabeen in ahmiyadda la siiyo xaaladaha amaanka iyo xalinta tabashooyinka ay qabaan.

Maanta ayaa la filayaa in shirka lasoo gabogabeeyo, laakiin jadwalka shirka ayaa ku asteysan inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September ku beegan tahay.

Kulamo kale ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka socdo labada aqal ee baarlamaanka kuwaasi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Culeesyada Siyaasadeed ee doorashooyinka kasoo wajihi kara C/Welli Gaas iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan bilaha soo socdo ayaa keeni kara inay isku aragti ka noqdaan in war saxaafadeedka diiradda lagu saaro doorashooyinka.

Khataraha Amni ee ka jira Guud ahaan dalka gaar ahaan Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa sababi kara inay isku mowqif noqdaan seddexda masuul ee ka taliya maamuladaasi, waana tan keentay in xalay shirka madaxda uu waqti dambe gaaro.