Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Washinton Post : Trump Oo Damcay Inu Warjaafo Ordogan Laakiin Isagi Baa Xabaasha Isu Qoday

Sunday - September 2, 2018


Wargeyska Washinton Post Ayaa Yiri: Madaxweyne Trump Ayaa isku dayayey in uu madax jebiyo Turkig, oo uu ogolaysiiyo in ay sii daayaan baadariga Maraykanka ah, Taa Dareedna Waxuu qaaday talaabooyin ciqaabeed ee uu dhinaca dhaqaalaha ka qaaday
Waxa kale oo uu wargeysku sheegay maalmihii ay lacagta Lira ee dalka Turkigu aad hoos ugu dhacday, in uu madaxweynaha Turkigu ku guulaystay inuu carada dadkiisa ku jeediyo Maraykanka. isaga oo ka dhigay in waxa socdaa uu yahay burburin caalamiya oo dalkiisa ka dhan ah. Waxa uu dareenka dadka ka fogeeyey dhibaatada dhaqaale ee taagnayd oo ay dadka arrimahaas gorfeeya qaarkood sehegeen in xukuumaddiisu sannadihii hore oo dhan ku fashilantay in ay si lagu qanci karo uga hadasho.

Wargeyska Washington Post waxa uu warbixintiisan ku sheegay in dalka Turkigu uu cunaqabataynta Maraykanka kaddib ku guulaystay in uu taageero fiican oo waqtigeedii soo gaartay ka helo saaxiibadiisa dibadda, arrintaas oo burburisay dadaalkii uu Donald Trump ku doonayey in uu dalka Turkiga ka dhigo dal go’doon ku jira. Waxaa ka mid ah booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Ruushku ku tegey Ankara, wadahadalkii uu madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron taleefanka kula soo xiriiray madaxweyne Erdogaan, iyo lacagtii 15 ka bilyan ee doolar ahayd ee uu dalka Qatar ku maalgashaday dhaqaalaha Turkiga.

Washington Post ayaa sido kale xustay in madaxweyne Donald Trump uu madaxweynaha Turkiga u daneeyey markii uu fuliyey cunaqabataynaha adag, bartiisa Twitter kana ku faafiyey hadallo degdeg iyo masuuliyad darro ka muuqato. Waayo waxa ay u muuqatay, in ujeedada Trump ka leeyahay tallaabooyinkani ay yihiin in uu burburiyo dadaalka ay xukuumadda Turkigu ku doonaysay in ay dejiso suuqa iyo dadkeeda. waxa ay intaas ku dartay in Trump uu u muuqday nin burburinaya dhaqaalaha Turkiga, waana sida uu madaxweynaha Turkigu doonayey in uu u sawiro dalka Maraykanka.

Wargeysku Washington Post waxa uu sheegay in taas maraggeedu uu yahay sida dheganugaylka ah ee ay dadka Turkigu u qaateen codsigii Erdogaan ee ahaa in aan la iibsan qalabka Elektarooniga ah ee lagu sameeyey dalka Maraykanka, iyo sida ay dadku u burburiyeen talefannadoodii gacanta ee iPhone ka ahaa iyaga oo la dhacayey madaraqyo iyo usha lagu ciyaaro kubadda Baseball. maadaama oo ay samayso shirkadda Apple ee dalka Maraykanka ahi.

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku soo gabagabeeyey, “Siyaasadda jar iska xoornimada ah ee Trump uu raacay, khatar kuma ay keenin Erdogaan siyaasad ahaan marka la eego dalka gudihiisa”.