Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

i-Bixi-yow i-Bixi Goor Qiyaamo Kacay Qoomamo Bilaash .. Goorma Dunida La Duubaya

Friday - August 31, 2018


                                        Sawir Calaamada Saacada
Xadiis Uu Imaam Bukhaari Soo Saary, Oo Uu Weriyay Abuu Hurayre, Waxa Uu Inoogu Sheegay:
 In Iyada Oo Rasuulki, Naxariista Iyo Nabadgelyada Eebbe Kor Kiisa Ha Ahaatee, U Hadal U Jeedinayo Qaar Ka Mid Ah Asxaabtii, Nin Reer Miya Ahi U Yimi Oo Uu Weydiyay: Goorma Saacaddu Dhaceysa?” Oo Macnaheedu Yahay, Goormaa Dunida La Duubayaa?

Rasuulki SCW Markiiba Uma Jawaabin Ee Hadlkii Ayuu Si waday. Asxaabtii Dhegaysanaysay Qaar Waxay U Qaateen In Uu Su’aasha Ninka Reer Miyiga Ah Maqlay Aanu-se Jeclaysan. Qaarna Waxay U qaateen In Aanu Su’aasha Ninka Reer Miyiga Maqlin.

Muddo Ka Dib-se, Markii Uu Rasuulki SCW Hadalkiisii Dhameeyay, Ayuu Yiri, "Mee Ninkii Saacadda i Weydiiyay?" Ninkii Wuxu Ugu Jawaabay. “Wa i Kan, Rasuul Allow.”

Raasuulki SCW Wuxu Yiri, "Haddii Ay Dayacanto Amaanadu, Saacadda Filo."

Ninki Wuxu Rasuulka CSW U Celiyay, "Sidee Ayay U Dayac-maysaa Amaanadu?"

Rasuulki SCW Wuxu Yiri, "Haddii Talada Loo Dhiibo Cid Aan Ehel U Ahayn, Saacadda Filo!”