Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Laba Wasiir Oo Ka Tirsanaa Maamulki Cabdi Cumar Iley Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Magalada Hargeysa

Thursday - August 23, 2018


Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee Maamulka Soomaalida Itoobiya, Sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland..

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi oo ahaa wasiirkii caddaaladda.

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.

Faahfaahin intaas ka baxsan ma aysan bixinin, balse Warar soo baxaya ayaa sheegay y inay kusii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxwaynihii Hore ee maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dhowaan lagu Baaqay in Maxkamad lasoo taago, Waxaana Xilka Madawayne maalintii shalay si rasmi ah loogu doortay Mustafe Cagjar, Waxaana Xubnihii maamulkii Hore Jiray ay Qorshaynayaan inay debedda u baxaan si aan Cadaaladda loo horkeenin.