Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ciyaartoy Damirkiisa Siin Waayey In Hortiisa Ku Dhintaan Naf Isaga La Mida .. Weerar-Yahanka Kooxda Liverpool Roberto Firmino Oo Badbaadiyey 2 Caruura Oo Walaalo Ah

Friday - August 10, 2018


Weerar-yaahnka kooxda Liverpool iyo xulka dalka Braziil Roberto Firmino iyo Xaaskiisa ayaa la sheegayaa in ay lacag Aad u fara badan ku bixiyeen Caafimaad laba Caruur ah oo walaalo ah kuwaas oo xanuun qaba isla Markaana ay dhaleen lamaane Faqiir ah.

Roberto Firmino iyo Xaaskiisa Larissa Pereira ayaa la sheegayaa in ay bixiyeen lacag dhan £59,000 lacagtaas oo ay sheegeen in ay ku bad baadinayaan Nolosha 2 Caruur ah oo qoyskoodu ka bixin waayey lacagta daweynta kuwaas oo u dhashay dalka Braziil.

Labadaan caruurta ah oo ah Wiilal ayaa lagu kala Magacaabaa Joao iyo Miguel waxayna u baahanyihiin qaliin in lagu Sameeyo balse waxaa waalidkood awoodi waayeen in ay iska bixiyaan lacagta isbitaalka iyo dawada Caruurtooda laakiin waxaa ka bixiyey oo wax walba bixiyey Xiddiga Liverpool ee Roberto Firmino.

Alex Jose de Amorim iyo Gracieli Schlemmer oo ah Hooyada iyo Aabaha dhalay caruurtaan ayaa aad ugu mahad celiyey Cayaaryahan Roberto Firmino iyo Xaaskiisa kuwaas oo ay sheegeen in ay bad baadiyeen Nolosha wiilashooda Joao iyo Miguel waxaana ay Sawiro soo dhigeen barahooda Bulshada.

Lamaanaha Firmino iyo Pereira ayaa ah kuwo is guursaday Sanadkii 2017 waxaana ay isku dhaleen 2 Gadhood iyaga oo aaminsan in Caruurtaa ay bad baadiyeen ay la midyihiin kuwooda isla markaana ay heli karayaan lacagta ay doonaan.