Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jabhada Oromada Oo Aaminsan In Xeebaha Somaliya Ay Deganaan Jireen .. Itoobiya Iyo Jabhadi Oromada OLF Oo Heshiis Kala Saxiixday

Wednesday - August 8, 2018


Xukuumada Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee OLF (Oromia libration front). iyadoo Heshiiska lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddan.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya.

Oromada OLF ayaa Aaminsan In Somalidu Dhul Ka Haysato Oo Ay Xeebaha Somaalida Dagi Jireen, taaso ah maskaxda hogaamisa damaca itoobiya ku jira ee ah iney hantiyaan dhulka jamhuuriyada Somaliya, Waxaase la ogyahay in Oromada 40 sano ee u dambeeysay Somalida waxay u riixayeen Bariga, waxayna la wareegeen dhul la qiyaasi karin oo Somaalidu leedahay

Oromo waa ku dhawaad 34% dadka Ethiopian-ka ah ama ku dhawaad 30 malyuun (tirakoobkii 2016). Taas macnaheedu waxaa weeye waa qoomiyad ka tiro badan isirka Soomaaliga oo dhan marka la isku daro .. Taariikh dheer ayay Soomaalida Iyo Oromada wadaagaan oo colaad iyo nabadba leh.