Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Falaar Cirka Loo Diray Fool Bay La Maqantahay .. Cabdi ILeygi Xoorka Geela Ku Dhami Jiray Jig-Jiga Oo Weli La Baacsanaayo

Sunday - August 5, 2018


Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii degaanada Somalida Itoobiya Degto ay ka dhaceen rabshado dhibaato geystay.

Xiisada oo wali meel waliba ka taagan ayaa waxa ay xoogeedu tahay mid u dhexeysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah, kadib markii la sheegay in Iley uu ka baxsaday Madaxtooyada maamulka.

Saaka waxa ay wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga sheegayaan in korantada iyo biyaha oo shalay la jaray ay dib ugu soo laabteen deegaanada Soomaalida.

Magaalada Jigjiga waxaa sidoo kale goordhow gaaray wafdi dheeraad ah oo ka socda dowlada Ethiopia kuwaa oo la sheegay inay u socdaan dajinta xiisada ay wadaan Soomaalida kuwaa oo la filaayo in saacadaha soo socda ay la kulmaan Madaxda maamulka.

Sida aan warkeena hore ku sheegnay Qoraal lagu daabacay wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ayaa waxaa lagu sheegay in wali ciidamada militariga Ethiopia ay ku hareersan yihiin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uu wargeyska Standard qoray in ay ciidamada Toban iyo labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga, kadib markii Iley uu la imaaday ciidamo reerkiisa ah.

Ciidamada ku hareereysan Cabdi Iley ayaa la sheegay inay wataan warqad amar ah oo lagu soo xirayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo la doonaayo in gacanta lagu dhigo, halka ciidamada isaga ilaalada u ah ay ka biya diidan yihiin in loo gudbo.

Ciidamada dheeriga ah ee lagu hareereeyay Cabdi Iley oo laga keenay magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay in amar lagu siiyay inay xiraan isla markaana usoo dhoofiyan magaalada Addis Ababa inta ay ka dageyso xiisada wali taagan.

Sidoo kale, Standard ayaa qoray in arrintasi loo samayn doono si looga hortago dhibaatooyin hor leh oo Federaalka Ethiopia kaga imaada dhulka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa u muuqaneysa mid marba marka xigta kasii dareysa waxaana aad looga cabsi qabaa in Cabdi Iley uu isku dhiibo ciidamada.