Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Sheeko Qosol Leh: Takhtar Iyo Nin Qaba Cuduka Nafsaaniga

Saturday - August 4, 2018


Nin xanuun iska dareemay ayaa takhaqtar u tagay maalin, ugana war bixiyay dhibka xanuunka u qabo iyo sida loo haayo. Takhtarkii oo hubsasho sida loo haayo, su’aalo weydiiyay si uu u ogaado xanuunka iyo waxa ninka haya waxay yihiin.

Takhtarkii baaris ka dib wuxuu ogaaday in ninka jirada haysa uu yahay mid nafsi ah ama cuqdad nafsi ee wax kaleba aysan jirin.
Takhtarkii ayaa markaa talo u jeediyay bukaankii, kuna yiri : Waxaan kugula talinayaa inaad
niyadaada ka dhaadhicisid inaadan xanuusanayn,oo jiro dhan aadanba qabin oo aad tahay qof
caafimaadkiisa taam ah, asagoo ula jeeda, jiro ma qabtid ee niyadaada lee waaye.

Ninkii oo yaaban wax kale uu sheegana garan la’ intaas marku maqlay isagoo hoos ka ganuunacaya oo leh kan waa takhtar aan talo hayn ayuu yiri “Waa hagaag Takhtaroow” oo kursigi u ku fadhiyey ka sara kacay oo dhanka irida sii aaday si u baxo

Takhtarkii ayaa intuusan bixin bukaankii ku yiri "Waar nin-yahow waaban ilaawi tagee, lacagtii
baaritaanka isii ". Bukaankii hoos ka ganuunacaayay ayaa mar qura la soo booday " Takhtaroow, adigaba iska dhaadhici inaan lacagtii kuu hor mariyay.