Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweyne Farmaajo Oo Hoosta Ka Xariiqay In Kheyre Hogaanki La Baxsaday Madaxna Looga Cunay Inkaaraha U Galay Oo Ay Roontahay Inu Dhaafo

Wednesday - July 25, 2018


Warar hoose oo laga xigtay shakhsiyaad ka Ag dhaw Villa Somaliya iyo waliba dhinaca Raiisal Wasaare kheyre ayaa laga soo xigtay in khilaaf labada Masuul ka dhex jira awgeed la filaayo in maalin dhaw ay imaan-doonta afkoodu hadal daayo oo Niba Aag ku go'doomo haddaan xal loo helin.
khilaaf-kaaso sida la tilmaamay u salka ku hayo xiriir hoosaad dhex maray Kheyre iyo Dawlada Qadar oo levelkiisa maraya heer ay u aqoonsadaan Nin-kooda Somaliya, Taaso keentay in Madaxweyne Farmaajo oo marki hore si aan ka fiirsi lahayen xilkiisi iyo awoodisi Ku wareejiyey Raisal wasaaraha kadibna Kheyre oo Halaq laba afle noqday oo gaaray heer wasiirki ama sarkaalki u tagaya farmaajo u ujeedadiisa iyo documentigiisa "vetting" Ku Sameeyo ayaa markaan Farmaajo aad mooda inu si uun u baraarugay si dhutis ahna Kheyre Ku eegaaya IL qoolaadin Gaara iyo meel isku qaadkiisa. 

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda sidi Nin dhinacyada ka oodan hadal iyo xiriir dadweyne iyo mid maamul gabay, ayaa isagu wuxuu qaba in xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Somaliya la gaarsiin heer cilaaqaadka la kala goosto taaso dawlada Qadar saluug ay ka qaaden aragtida siyaasadiisa ee ku wajahan Imaaraadka, taasna waxay dhalisay in si gaara kuwooda Sirdoonka ay marba mar iyo heerba heer ay gacanta ku dhigaan adeegsiga Kheyre, lamase sheegin waxa kheyre u ku iibsaday ka hor imaadka Madaxweyni-hiisa iyo colaada Imaaraadka, walow qaar ay carabka ku dhufteen in Madaxweyne Mustaqbal loo ballan-qaaday

Sida La Xiganaayo iyo sir fakatay, waxay sheegeen in dawlada Qadar ay ogaatay in madaxweyne Farmaajo u xaga siyaasada Somaliya geesna ka tirsaneyn, isla markaana yahay nin jilicsan oo kheyre iyo Fahad Yaasiin fagan-karaan, sidaa darteed Kheyre oo lagu tilmaamo Nin babanaaya sidi Dhar waran uu balanqaad weyn ka helay dawlada Qadar ayaa iminka siyaabo kala duwan ugu raad jooga in xiriirka Somaaliya iyo Imaaradka ay kala furtaan, wuxuuna si gaara arintaas hirgalinteeda ku soo xero gashaday Wasiir Cawad oo lagu tilmaamo hunguri juq-juq, marki horana qarka u saarna in golaha wasiirada laga saaro, laakiin heshiis marki dambe ka yimid dhinaca Kheyre ayaa keentay in labadooda ay isku fikir ka noqdaan dhinaca colaadinta Imaaraadka, kana sii durkaan siyaasada Farmaajo Ee ku saleysan dhex-dhexaadka

Hadaba si qorshahoodu u dhaqan galo iyo talaabo talaabo, waxaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa maalmahaan dambe dhawr jeer ku celceshay in Dawlada Imaaraadka ka caga jiideyso wada-hadalka ay Sacuudiga ka dhexwado Somalia iyo Imaaraadka.

Wasiir Cawad, oo la hadlay BBC Afka Crabiga waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka ay caqabad ku tahay in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka, isla markaana ku Eedeyey iney daacad ka ahayn midnimada Somaliya, .. warkaasna waxaa la tabiyey iney Imaaraadka ka sii caroodeen.

Madaxweyne Farmaajo dareen galay markaan niyad jab la jiifa, oo isagu awoodiisa iyo dhiiranaan-tiisa hoosta ka xosh-xosh tahay ayaa markaan ku qanacsan in PM Khyre hogaanki la baxsaday, hoos madoobe noqday, shaqadiisa aysan cajabin oo ay roontahay inu dhaafo .