Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Caafimaadka Dadweynaha .. 6 Caado Oo Khatar Ku Ah Maskaxda

Saturday - July 21, 2018


Maskaxdu waxay xukuntaa ayna ilaalisaa howlaha muhiimka ee ka dhex socda jirkeena gudihiisa, laakiin in badan oo naga mid ah waxay leeyiin caadooyin xun xun ay maalin kasta sameeyaan, waxaana laga yaabaa caadooyinkaa in ay sabab u noqdaan in ay waxyeelo soo gaarto caafimaadka maskaxdeena. Culimada ku takhasutay maskaxda iyo neerfayaasha waxay cadeeyeen in caadooyin Lix ah oo dadku maalin kasta sameeyaan in ay dhibaato u keento Maskaxda

1- Quraacda Oo Laga Tago

Quraacda cunisteeda ma aha kaliya gaajo darteed laakiin waa muhiim Waxayna saamayn ku yeelanaysaa fifircoonida maalinkaas oo dhan, sidaa darteed marnaba haka tagin sababtoo ah markaa hurdada ka soo toosno maskaxda waxay u baahantahay cuno si ay shaqada u biloowdo sidii looga baahna, waxay kaloo sheegeen in aadan cunin quraac maskaxda wax u dhimaysa sida cuntada aan caafimaadka lahayn oo ay ku badantahay macaanka iyo dufanka.

2- Cunista Macmacaanka Xalwad

Markaad xalwad cunto waxaad u malaynaysaa in aad nafta u raaxaysay laakiin waxyar kadib waxay ku dhaxalsiinaysaa walwal iyo walbahaar .. Macmacaanka oo aad iska badiso waxay ku dhaxalsiisaa xusustaada oo lunta, Madax Xanuun iyo Dhiigkar.

3- Cuntada Oo Aad Iska Badiso "OVEREAT"

Markaad cuntada iska badiso waxaad halis u tahay in ay kugu dhacaan cuduro badan sida Wadna Xanuun, Sonkor iyo Cayil. Cuntada oo la iskabadiyo waxay badashaa nidaamka kiimikada Maskaxda taas oo keenta khal khal iyo in ay Maskaxdu haloowdo.

4- Cabista Sigaarka 

Sigaarka wuxuu ka samaysanyahay Nicotine oo soo daaya maado la dhaho dopamine oo ah maado la falgasha Jirka Oo saamayn ku yeelata Dareemayaasha, Feejignaanta iyo hab dhaqanka, waxay kaloo sababtaa Qolofka sare ee Jum-jumada Maskaxda in ay jilicdo taas oo ku keenta qofka in uu lumiyo xusuustiisa, kuna keenta walwal iyo walbahaar.

5- Shaqo Xiliga Aad Xanuusan-tahay 

Markaad xanuusan-tahay Maskaxdu waxay dagaal kula jirtaa Bakteeriyada jirka soo gashay iyo hagaajinta nidaamka difaaca jirka sidaa darteed markaad shaqo kale u dirto waxaad badalaysaa howlgalkii uu kusoo celin lahaa caafimaadka jirkaaga.

6- Hurdo La’aanta 

Markaad seexatid Maskaxdaadu waxay galaysaa howlgal ay jirka kaga nadiifinayso sunta, sidaas darteed soo Jeedka iyo Hurda yarida waxay keenta in ay dayacaan samayska unugyo cusub oo maskaxda ah.