Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Cabdi iLey: Ahey Way Iyo Ciil .. Mujrim Getachew Assefa Ibtilo Iyo Cabsi Galin Xoogan Ayuu Igu Hayey

Thursday - July 12, 2018


Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxii hore ee Sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa uu ku hayay cabsi galin joogta ah iyo hanjabaad.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Madaxii hore ee Sirdoonka Itoobiya uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo mida xisbiga uu ka tirsanaa, waxa uuna xusay in sargaalkaasi caqabad weyn ku ahaa maamulkiisa.

Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay Getachew Assefa uu dhibaato xoogan oo sharci daro ah ku hayay Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa uuna tilmaamay in uu ku hayay dadka cabsi galin joogta ah iyo dadka dusha ka saaro dambiyo aysan galin.

“Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey Getachew wuxuu deegaanka soomaalida ku hayey, faragelin aan geed loogu soo gabban, faragelin-tiisuna waxay gaartay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay”Ayuu Yiri Cabdi Iley.

Madaxweynaha DDSI ayaa ku eedeeyay Madaxii hore ee Sirdoonka dalka Itoobiya uu kasoo horjeedo isabadalada uu dalka ka hirgalinayo Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

“Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in uu ka dambeeyo Madaxii hore ee Sirdoonka Getachew Assefa “Ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar.

Getachew Assefa oo kasoo jeeda Qowmiyada Tigreega ayaa sanado badan soo hayay Madaxa Sirdoonka Itoobiya, waxaana ninkan xilka laga qaaday markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.