Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xasuuso Awooda Alle .. Xabsigi Jeel Ogaadeen Ee Ku Yaal JigJiga Oo Loo Badalay Masjid

Wednesday - July 11, 2018



Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xirin Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer Jeel Ogaadeen

Wuxuu sheegay in Xabsigaas la xirayo, masaajidna loo badali doono si ay dadka ugu cibaadeestaan.

Waxaa shalay xabsigaas oo si xun loogu ciqaabo dadka laga sii daayey 150 maxbuus oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale oo intooda badan ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin jabhada ONLF.

Jabhadan ayaa waxaa dhowaan dowlada Itoobiya ay ka saartay liiska argagaxisada.

Dhowaan ayey aheyd markii heyadda human rights watch ee dooda xuquuqda aadanaha ay baahisay tacadiyo naxariis daro ah oo loo geysto dadka ku xiran xabsigaas, waxaana aad uga xumaaday warbixintaas raisul wasaare Abiy Ahmed oo balan-qaaday in la xirayo xabsigaas dadka lagu cadaabi jiray.