Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

R/ Wasaare Itoobiya Ma Qarin-doona In Dhulka Ogaadenya U Yahay Mid La Guumeysto .. ONLF Oo La Kulantay Abiy Ahmed

Tuesday - July 10, 2018


Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria uu ka dhacay kulan khaasa oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ONLF.

Kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay ku dhawaad laba saac ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu furay albaabka wadahadal iyo wax wada qeybsiga.

Kulanka labada dhinaca oo banaan joog ay ka aheyd warbaahinta ayaa looga wadahadlay sida ONLF ay qeyb uga ahaan laheyd dowlada Abiy isla markaana wax ula qeybsan lahaayen dadka kala duwan ee kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.

Abiy Axmed ayaa Saraakiisha ONLF ee uu la kulmay u xaqiijiyay in dowladiisu ay diyaar u tahay wadahadal iyo wada shaqeyn, waxa uuna ku celcelshay in kulan khaasa oo kan ka weyn uu ku qaban doono magaalada Addis Ababa.

Wasiirrada uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.

Sidoo kale, magaalada Asmara ayaa xarun u ah Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.

Dhinaca kale, ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Ethiopia.