Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Niyad Jab .. Haweyney Dantu Ku Khasabtay Iney Ku Umusho Wado Caan Ah Oo Ku Taal Mogdisho

Tuesday - June 26, 2018


Iyadoo xalay Farxadda Munaasabadda 26-ka June loo dabaal degayey ayaa waxay dhacdo xanuun badan qabsatay Hooyo Soomaali oo xaamilo ahayd, taasi oo ay Ciiddan ka tirsan kuwa DFS u diideen Bajaajkii ay la socotay inuu ka gudubo Waddada.

Askarta joogta agagaarka Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda  waxay u diideen Dareewalkii Bajaajka inuu Haweeneyda gaarsiiyo Isbitaalka Hooyadda iyo Carruurta ee Banaadir oo aan ka fogeyn halka ay Askarta ka xireen Jidka.

Waxay Askarta dhegaha ka fureysteen inay Haweeneyda Foosha haysay u maciinaan iyo inay Bajaajkii gurmad ahaanta iyada u waday u fududeeyaan marista Jidka.

Dad badan oo lugeynayey ayaana ku soo xoomay  halka lagu xanibay Haweeneyda Uurka lahayd, waxayna la a,amakaageen Arxan-darradda meesha taallay iyo maciin la’aanta qabsatay Haweeneydaasi.

Mid ka mid ah dadweynihii goobta joogay ayaa is-hayn kari waayey, wuxuuna cod dheer ku yiri: "Ma waxaa halkan idiin keenay inaad dadka ku dhibtaan iyo inaad ka celisaan Hooyooyinka xaamiladda ah ee ku sii jeeda Isbitaalka ?”.

Xaalladda ayaa ka sii dartay, waxayna Askartii ku adkeysteen Go’aankoodii hore, iyadoo Haweeneydii oo la taahaysa culayska Foosha ku dhinac umushay Waddo-lugeedka Laamiga oo qiyaas ahaan ilaa 210 tallaabo u jira Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka Banaadir.

Ilaahaa mahad leh, Haweeneydii si fudud ayey ku umushay, waxayna ka badbaaday Khataro caafimaad oo ay inta badan Haweenka xaamillada iyo kuwa foolanaya u nugul yihiin.

Dhacdadan ayaa ka mid ah Dhacdooyinka naxdinta leh ee ay dadweynuhu la kulmaan xilliyadda ay Ciiddanka DFS xiraan Waddooyinka muhiimka u ah isku-socodka magaalladda Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Haween xaamilo ah dhacdo noocan ah ku qabsato Waddooyinka ay Askarta xiraan xilliyadda ay Munaasabadaha jiraan ama ay Madaxda DFS gaadiid ku marayaan Waddooyinka Muqdisho.

Dhinaca kale Saacadiihii la soo dhaafay ayaa dhacdadaan waxay aad u qabstay Baraha Bulshada,waxana dadka isticmaala ay muujinayeen fal celin ku saabsan in ay tahay mid aad loogu xumaado, una baahneyd in ciidamada ay haweeneyda marista Wadada u fududeeyaan.