Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dooli U Dhacay ATM- Bank Oo Digada Ka Dhigay Malaayiin Lacag Ah

Friday - June 22, 2018


Raxan doolli ah ayaa u dhacay ATM-bank ee lacagaha lagala boxo magaalada Assam ee dalkaasi Hindiya, waxaana ay jeex-jeexeen ama cuneen lacag dhan 1,2 millyan rupier oo ah lacagta dalka Hindiya oo u dhiganta ku dhowaad 20-kun oo dollar.

Dooliga ayaa maalmo ku dhex jiray sanduuqa ATM-ka lacagta lagala boxo, waxaana sida uu u cunayay lacagta ay gaartay in ATM-ku oo isagoo lacag ka buuxdo uusan macaamiisha lacagta usoo bixin.

Kadib cabashiiyin badan oo loo gudbiyay bangigii lahaa ATM-ka ayaa waxaa lagu ogaaday cadowtenimada doolliga, oo waxaa la furay sanduuqa ATM-ka.

Booliska ayaa sheegay in arrintan eysan wax lug ah ku laheyn fal-dambiyeed kale, marka laga reebo tan doolliga uu ku kacay.

In doolli xasuuqan lacageed geystay ayaa waxaa lagu ogaaday, waxaa laga dhex helay lacagta dhexdeeda doolli dhintay.