Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qaramada Midoobay Iyo Ururka Igad Oo Damin-kari Waayey Colaada Puntland Iyo Somaliland

Monday - June 18, 2018



Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaan weli guul la taaban karo ka gaarin joojinta dagaal dambe oo ka dhex qarxa Somaliland iyo Puntland.

Sida la sheegay ilo xogogaal ahi, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ergayga Qaramada Midoobay danjire Michael Keating u sheegay in Somaliland ka baxdo arlada Puntland haddii la doonayo in la bilaabo wada hadal nabadeed.

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee shalay baahiyay in Cabdiweli Gaas uu ergayga Qaramada Midoobay iyo dalalka IGAD ee gobalka ku qanciyay in Somaliland tahay cidda gardarada wada, waxaanu wargeysku sheegay in Puntland ay ka dheeraysay diblomaasiyadda wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa dhawaan isu maray dalalka gobalka ee IGAD si uu ugala hadlo sida loo joojin karo dagaal dambe oo ka dhex qarxa labada dhinac, laakiin waxa dedaaladiisa caqabad ku noqday madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dalalka gobalka iyo Qaramada Midoobay ayaa doonaya in marka hore dagaalada lagu joojiyo bilaa shuruud islamarkaana la isu celiyo maxaabiista dagaal ee lagu qabtay dagaaladii Tukoraq, kuwaas oo u badan maxaabiis ay Somaliland iyo puntland kala qabsadeen.