Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Raisal Wasaaraha Itobiya Oo Yiri: Somaliya Waa Hal Din Waa Hal Dhaqan Waa Hal Dhiig Marka Loo Fiiriyo Aduunka Intiisa Kale

Saturday - June 16, 2018


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafddi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ay yeesheen mas’uuliyiint labada dhinac ayaa waxay si weyn uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxyaabaha kulankooda diiradda lagu saaray ayna ku heshiyeen ayaa ah ilaa 16 qodob waxaana kamid ah iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha, ladagalanka argagixisada, is-dhexgalka bulshada,iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay ka go’antahy labada dal in ay si dhab ah isaga kaashadaan nabadda iyo horumarka.

Farmaajo ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya, ma jiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka”.

Abiy Axmed ayaa isna yiri “Waxaan doonayaa in aan halkani ka sheego in aan ku faraxsanahay sida diiran oo aad inoo soo dhaweyseen,waxaan idinkaga mahadcelinayaa waxkasto oo aad sameyseen,waxaan halkani u joogaa in aan abuurno weji cusub,xiriir cusub,hadii aan dib ugu laabto taariikhda,waa in aan cashir ka baranaa dhibaatooyinkii kala duwanaa ee na haysata sida argagixisada iyo xagjirnimada, hadafkena waa in gobolka xasilooni lagu soo dabaalo,waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay horumarayso,waa dadka si aad ah isugu dhow waa hal diin,hal dhaqan iyo isku dhiig marka loo fiiriyo adduunka intiisa kale waa wadanka kaliya sidaasi ay dadkiisu yihiin,Itoobiya iyo Soomaaliya garabka ayay is qabsanayaan labada dal".