Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Qoomki Reer Caad Xoogi Iyo Awoodi Ay Sheeganayeen Iyo Halka Ay Ku Dambeeyeen

Sunday - June 3, 2018


Reer Caad waxay daganaayeen deeganka Axqaaf oo u dhaxaysa Cumaan iyo Xadra-mootka Yemen.
Reer Caad waxay ka midyihiin Dadkii ugu waaweynaa xaga Dherarka iyo Xoogaba, waxayna dhisan-jireen Guryo Tiirar dhaadheer leh.
Reer Caad waxay lahaayeen Sanamyo loo bixiyey SAD, SAMUUD iyo HIR. markay gaaloobeen kadib waxa Eebe Naxariistiisa u soo diray Nin Walaalkood ah waa Nabi Huud, waxaanu Amray sidii Nabiyada oo dhani farijireen Qoomkooda, waa inay Eebe kaligii caabudaan, kana tagaan Sanamyada ay gacmahooda ku samaysteen. Nabi Huud waxa uu faray inaanay Eebe cid kale lala wadaajin.

Waxay ugu jawaabeen Huudoow waxaad tahay Beenaale waanad jirrantahay waxaana ku asiibtay caradii ilaahyadayada (Sanamyada).
Qoomkii Caad way kibreen oo iswayneeyeen moodeena inay yihiin Dawlada ugu Xoog weyn dunida waqtigaas ayaga oo ilaaway in Eebihii Abuuray ka Xoog wayn yahay.

Nabi Huud waxa uu Xasuusiyey Nimcooyinka Eebe ku manaystay ee uu usahlay inay Dhistaan Qasriyo iyo Guryo aan baahi u haynin sidi ayaga aad moodid inay aduunyada ku waarayaaan.

Kibirkoodu waxa uu gaarsiiyey inay cid-kasta oo ka awood yar u awood sheegtaan sida iminka ka dhacaysa dunida, dawladaha xooga leh kuwa ka awooda yar ayey ku itaalsadaan waxayna ilaaween Eebihii abuuray inuu ka xoogwayn yahay.

Kadib markii Nabi Huud ka quustay waxa uu Baryey Eebe oo dhahay “illaahoow ii gargaar”  Waxana Eebe yiri "Dhowaan ayey ka shallaynayaan".

Qoomkii Caad waanadii waxba kumay qaadan manaysan rumayn Maalinta Qayaamaha balse waxayba dhaheen waxaa kala fog Aduunyada iyo in laysa soo saaro.

Muddo kadib waxa ku dhacday caradii Eebe oo waxa indhaha loo saaray Abaar kulul oo roob la’aan ah, waxay soconaysay muddo Saddex sanadood, waxaa guray wabiyadii. Cuntadiina way yaraatay, gaajo iyo baahidiina way badatay waxaana asiibay ciqqabkii Eebe.

Abaartii markay hayn kari waayeen ayey baryeen Sanam-yadoodii ayaga oo waydiiisanaya Roob iyo Biyo. Kadib waxay maqleen Dhawaaq iyo Cod xaga sare oo leh kala doortaa daruuraha.

Daruurahaas oo midabyadoodu kala duwanyihiin mid waa Cadaan, midna waa Casaan/guduud, ta kalena waa Madow.

Waxay markiiba doorteen Daruurta Madow ayagoo islahaa way biyo badantahay. Kadib way farxeen oo is-dhaheen ilaahydii – Sanamyada ayaa idinka Ajiibtay Ducadii laakiin Mushkiladi way danbaysay!

Markay arkeen in roobkani wato dabaylo iyo dhaxan daran ayey ku yaaceeen Guryahoodii, waa dabaylo iyo duufaano aan cidnaba reebayn taas oo kala jaraysay Madaxa Qofka iyo jirikiisa inta kale.

Eebe  waxa uu adeegsaday mid ka mid ah ciidamadiisa “Dabayl” Duufaan iyo Dhaxan waxayna afganbisay Reer Caad. Guryahoodii iyo Qasriyadii waa la tirtiray. Xoogii ay sheeganjireen mee, waxa ciqaabay Eebe oo ka xoogwayn.

Markii Amarkii Eebe yimi waxa Eebe u bad-baadiyey Nabi Huud iyo intii rumaysana waxaanu ka dhigay kuwii baaqiga ah.

Taasi waa masiirka cidkasta oo amarka Eebe diida, dafirta am ka caga jiida. Reer Caad waxay ku caanbaxeen Awood iyo Quwad ay ku adoonsadeen Dadka ka awooda yar sidoo kalena Nabigii Huud maysan maqlin ee way ka dhagafuraysteen.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwa dariiqa toosan raaca oo dhagaha u leh Anbiyada iyo culumadeena Aamiin.