Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaari Zamaanka .. Geeridi Nabi Salemaan CS

Friday - June 1, 2018


Nabi Suleymaan CS waa wiil u dhalay Nabi Daauud CS, waxaana Eebe ku manaystay Xukun iyo Mulki aan basharka la siin, waxa loo sakhiray adeega Jinka, Shayaadiinta, Insiga, Xayawaanka iyo Shinbiraha.
Nabi Suleymaan CS, waxa uu dhisay “Baytul maqdask” waanu wayneeyey oo qurxiyey.
Markuu dhamaystiray Baytkii ayuu Eebe waydiiyey Sadex arrimood, Eebana laba ayuu ka aqbalay midna waa ka diiday.

Sida Rasuulka NNKH laga wariyey “ waxa uu Nabi Suleymaan ka baraya Eebe inuu ku manaysto xukun waafaqsan xukunka Eebe iyo Mulki aan u cuntamin dadka kale, labadan Eebe waa kaa aqbalay laakiin Tan sadexaad oo ahayd inuu Baytka al-maqdiska ruuxii soo booqda danbigiisa la dhaafo lagama aqbalin, ee waxa lagu manaystay sharaftaa ummada Nabi Muhammed (N.N.K.H)”

Waxyaalaha loo sakhiray Nabi Suleymaan waxa ka mida Jinka oo u dhisayay guryaha, sidoo kale quusayey Badda hoostiisa si ay uga soo qaadan Macdano qaaliya.
Shayaadiinta amrka Nabi Suleymaan diida waa la xabsayey, hadday isku dayaan inay baxsadaana way gubanayeen. Sidaa darted Shayaadiintu way ka haybad-sanjireen Nabi Suleymaan.

Ugu danbayn Nabi Suleymaan CS waxa uu dareemay inuu geeridiisii soo dhowaatay, waxaanu ogaa in shayaadiintu kharribayaan Baytul Maqdaska, hadday ogaadaan inuu dhintay. Nabi Suleymaan waxa uu galay saad, hase ahaatee markuu istaagay ayuu ku tiirsaday ushiisii, kadibna waa la oofsaday. Jinkii iyo Shayaadiintii waxay moodeen inuu Nabi Suleymaan tukanayo, waxayna sii wadeen shaqadii.

Nabi Suleymaan waxa uu usha ku tiirsanaa hal sano, illa ay daabadi (cayayaan) cunay ushiisii markaasuu dhacay Nabi Suleymaan.
Halkaana waxa ku beenoobay Shayaadiintii sheeganayey inay qaybka wax ka ogyihiin, sababtoo ah haday mustaqbalka garanayaan waxay dareemi lahaayeen geeridii Nabi Suleymaan.

Markuu dhintay Nabi Suleymaan ayey shayaadiintii u nisbeeyeen mulkigii Nabi Suleymaan inuu ahaa sixir, balse Eebe Wayne ayaa ka jawaabay oo dhahay Suleymaan muu  gaaloobin ee waxa gaaloobay Shayaadiinta oo barayey dadka sixirka.