Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Sheekadi Iyo Socdaalki Dul-Qarneyn

Tuesday - May 22, 2018


Dul-Qarnayn waxuu ahaa Nin karaameysan oo Eebe ku manaystay Awood iyo Cilmi, waxaa la sheega inu saaxiib la ahaa Malak soo dhaga-dhageeya hadalada Malaaiigta, ugu dambeyna Malagaas wuxuu Dul-qarneyn u sheegay inu maqlay in ay jiraan Biyo la yiraah Biyihi Nolosha ( Maa Al-Xayaah) oo qofkii caba usan waligiis dhimaneyn .. Biyahaaso Laga heli-karo Arlada meesha ay ku dhamaato oo inta badan Mugdi ka mugdi iyo duufaano la sii jiiraayo illa iftiin laga gaaraayo

Dul-Qarneyn ayaa heegan iyo diyaargareeyn u cabeystay safarkiisi u tagi lahaa meesha Aduunka ugu dambeysa oo lagu sheegay Biyahaas .. wuxuu isku dabaritay shiyuukhdi Xertiisa iyo Guutooyin xoog leh iyo wixii dawladiisa wasiiro ka ahaa, waxaana waqtigaas wasiiradiisa ka mid ahaa Khadar oo markaas adoon caadi ahaa, sido kale waxuu diyaargareystay Fardaha Geenyada ah oo iyagu lagu tilmaamay iney habeenka Gudcurka iyo mugdiga wax aragto.

Dul-qarneyn oo wadadi safarka ugu kicitimay galbeedka waxaanu helay qorraxda oo godkeeda la galeyso meel dhoobo ah (muuqaalka), goobtaas waxa uu ugu tagay Qoom iskugu jira Dad xun oo indhaha dabaya iyo Dad wanaagsan, Laakiin Markuu Dul-Qarnayn dhameeyey safrkiisa galbeedka, wuxuu u kici timay dhanka Bari halkaaso oo u la kulmay Qoom Badaw ah oo aan lahayn Maryo fiican, oo aan jirkooda asturaynin.

Kadibna waa sii waday safarkiisii asagoo gaaray dhul Buuralay ah, waxaanu la kulmay Qoom ka duwan kuwii hore, kuwani ma aysan fahmayn luuqada Dul-Qarnayn, laakiin si baroora iyo war Qax Qax waxay ku fahamsiiyeen in laba qabiil oo waaweyn la kala yiraahdo Ya’Juuj iyo Ma’Juuj ay fasahaadiyeen dhulka, kadibna ka codsadeen in looga yeelo xayndaab xireen ah si aysan u soo gudbin.
 
Dul-Qarnayn isago ajiibaya qoomkaas codsigooda wuxuu dalbaday Birta Xadiida iyo Naxaasta si ugu sameyo xireenkan aysan soo saloolan-kirin. markuu dhamaystiray xireenkii maysan awoodin Ya’Juuj iyo Ma’juuj inay kasoo baxaan, waxaanu Yiri: Eebe ayaa mahad iska leh, markay gaarto maalintii ilaahay ugu talo galayna in Gidaarku burburo way burburi .. Qolo ayaa ku tilmaantay in xireenku ku yaalo Gidaarka dheer ee mara dhulka Shiinaha, hase ahaate Xireenkaasi ma aha mid ka kooban Bir iyo Naxaas toona, kuwo kalena waxay ku tilmaamaan inuu ku yaalo Yemen ama dhulka Qooqaaska ee u dhaw Bada Madow, laakiin sida xaqiiqada ah lama garanayo meesha uu ku yaalo. Allahu Aclam.

Ugu dambeyn baadi goobkii Biyahi nolosha, waxaa meel durdur Toga ka helay Khadar, waxuuna isla markiiba orod boodo ku damcay inu Biyahaas Janada ku casumo Dul-Qarneyn, laakiin amar Alle iyo haatuf ku soo dhacay, waxaa lagu Yiri waa deeq culus Alle ku siiyey Ee Biyaahaas Adigu Cab. hasa ahaate Dul-Qarneyn oo filan-waa iyo hungo ka hor timi iyo falka u ku kacay Khadar ayaa isago goodinaaya galka seefta kala soo baxay isago Yiri: khadarow maxay tahay Abaal li'ida Oo Biyihi Adigu U Cabtay .. laakiin Khadar ayaa ugu jawaabay oo yiri: Is Qabooji Oday meeshaan danbi kama dhicine Waa Duni Amarka Alle Ku socote, kadibna Dul-Qarneyn Ereygaas Waa Gar-waaqsaday oo Alle Ka Baryey Inu Samirka Ku Giijiyo.

Dad ayaa Qaba in illa maalinti u Khadar Biyahaas Cabey illa Maanta U Ku Dhex Noolyahay Ama Ku Dhex Qarsoonyahay Umadda Bulshada Dhexdeeda .. Allaahu Aclam