Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Bilawgi Aduunka La Taagay

Thursday - May 17, 2018


Sida Laga Wada Warqabo waxaa la dajiyey kumanaan iyo kumanaan kitaab oo laga qoray aqoon aad u kala duwan, aqoontaas oo la isku yiraahdo Culuum Ad-Diin iyo kuwa kalaba, waxayse taas keentay Firqooyin xaga fahamka Caqiidada Oo Dadku Ku Jaahawareereen, si kasta oo loo kala fikir noqday koleyba diinta Tafaasiirtiisa faragalin badan ayaa lagu sameeyey oo ay saameyn ku yeelatay midnimadi ummadda islaamka.

                                          ---------------------------------- 
Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey in nabi maxamed c.s.w u yiri: Rabigi aduunyada lahaa, su rabo noqone. Alle waxuu abuuro waxaa ugu horeysay Qalin ka sameysan Nuur oo dheerar ahaan loo tiriyo masaafo maile in loo socdo 500 sano, waxuu kalo abuuray diwaanka Loox Maxfuud oo isna ka abuuran Atom Cad ( Da'rat Bydaa) oo balaarkiisu la qiyaas yahay inta ay isu jiraan cirka iyo dhulka.

Alle ayaa ku yiri Qalinkii: Qalinkow Qor. Qalinki ayaa yiri: maxaan qoraa. Alle ayaa yiri: Qor Cilmi-geyga xaga khal-qadeyda illa maalinta qiyaamaha, markaas ayaa Qalinkii qoris ku dhaqaajiyey wax kasta oo jiri-doona illa maalinta Qiyaamaha .. Alle maalinti 360 jeer ayuu eegaa Loox maxfuudka oo wax ka abuura, ka rasaaqa, ka darajeeya nolol lagu tanaado, iyo kuwa Naari soli-doonto,iyo kuwa Jano la siin-doono, kuwa la seejin-doono nolosha oo mawd noqda, iyo waxuu doono awoodiisa ku sameeya xukun kasta . 

Nabiga c.s.w ayaa su'aal la weydiiyey oo la yiri: Alle intusan abuurin cirka iyo dhulka iyo khalqiqa xagee buu joogay .. Nabiga Maxamed c.s.w, waxuu yiri: meel ayuu ku ekaa korna ahayd hawo hoostana ahayd hawo oo markii dambe carshigiisi ka yeelay biyaha.

Ibn Cabaas RC ayaa la weydiiyey oo la yiri: maxaa laga abuuray Samada, waxuu yiri: waxaa la isku fasaxay lana isku cadaadiyey Dabeyl rogmeysa ma dhaleys ah iyo biyo, markaas waxaa ka dhashay mawjado qiiq kor isku shareeray kadibna laga curiyey Cir "Samo" sido kale xumbooyinkii ka dhashay cadaadinti dabeysha iyo biyahi oo si amar alle u dhagaxoobay baa iyagana marki dambe Dhul noqday

Ibn Cabaas (RC) ayaa laga wariyey: in niman horyaal Yuhuudeed ah ay u yimaadeen nabi Maxamed c.s. w, waxayna weydiiyeen su'aal la xariirta maalinta Alle bilaabay wax abuurista? Nabi Maxamed wuxuu yiri: maalin Axad iyo Isniin ayaa la abuuray dhulka .. Taladana la taagay buuraha iyo wixi manfac ku jira, iyadoo maalinta arbacadana la abuuray biyaha iyo geedaha, halka Khamiista la abuuray Samada,xidigaha, kawaakibta iyo Malaaiigta .. maalin Jimco waxaa la abuuray Janada, Naarta iyo Aadam c.s.w oo dabadeed Alle ku ekaaday (istawaa) carshiigiisa .. Yahuudi wey ka aqbaleen Nabiga jawaabtiisi, laakiin waxay raaciyeen ereyga ah in Alle hawshi ka nastay, taaso nabi maxamed si aada uga carooday sida ay u baal mareen awooda Alle iyo xqiisa, oo sidaa daraadeed Alle markaa soo dajiyey suurad qeexeysa in Alle samada,dhulka iyo dhexdooda-ba u ku abuuray lix maamood isagoon wax daal ah taabanin.

Alle marku doonay inu abuuro Aadam, waxuu malag jibriil ku amray inu dhulka ka soo qaado xantoobo caro ah .. Jibriil marku damacay inu soo qaado Carradi baa iska abhisay oo tiri ilaah hadaad taqaan hay qaadin .. jibriil markii Alle lagu abhiyey waa iska noqday oo alle ku yiri carradi ayaa igu kaa abhisay markaas ayaan iska soo noqday .. haddana markale ayaa Alle diray malaga Israafiil oo isna sidi lagu yiri oo isaga soo laabtay .. markale ayaa Alle malag malaka-moot carradi soo qaad lagu yiri, oo caradii damacday iney sida kuwi hore iska abhiso, laakiin malaka-mootkii ayaa yiri: Alle ayaa i soo faray inaanan soo laaban anigo sidin Xantoobo Carro ah.

Culimada qaarkood ee sharaxda sayniska diinta ayaa qaba in falagyada ay tiradooda yihiin todoba. lagana abuuray xaga bukhaarka biyaha , korkoodana waxaa ku yaala Beyt Macmuur ay maalintiiba todobaatan kun malag ku tukadaan .. beytka waxaa ku yaala 360 albaab oo raxmada eebe ka soo duusha dhulka timaada.