Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xumaha Iyo Gees Kala Jeedka ..Yaa Ka Dambeeyey In Safarka Madaxweyne Farmaajo Ku Tagay Qadar Laga Reebo Wasiir Axmed Cawad ?

Tuesday - May 15, 2018


Waxaa shalay dalka Qatar gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo casuumad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka Qatar waxaa kamid ah Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya , Agaasimaha Madaxtooyada iyo Xubno kale oo kamid ah la taliyaasha Madaxweynaha.

Sida aan wararka ku heleyno Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa kamid ahaa xubnaha ku qornaa in Madaxweynaha ku wehliyo Safarka Qatar, hasa ahaatee Wasiirka ayaa si lama filaan ah safarka looga reebay xili uu garoonka Muqdisho ku sugnaa.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu ahaa Maskaxdii ka dambeysa in Safar Madaxweynaha laga reebo Wasiirka Arimaha Dibadda, waxaana Fahad Safarka kusoo daray Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo ku sugnaa dalka Kenya ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga sii hormaray dalka Qatar, waxa ayna qeyb ka yihiin Wafdiga Madaxweynaha ee dalkaasi ku sugan.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka Arimaha Dibadda ayaa safarka looga reebay kadib markii Agaasimaha Madaxtooyada uga shakiyay in uusan raali ka aheyn xiriirka Soomaaliya iyo Qatar taa badalkeedana uu ka shaqeenayo in Xiriirka Imaaradaka lasoo celiyo.

Wasiir Cawad ayaa shirar dhoor ah uu ka qeyb galay ka sheegay in uusan ku faraxsaneyn xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna Wasiirka ku baaqay in labada wadan Xiisada ka heshiiyaan.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu yahay Maskaxdii ka dambeysay in uu xumaado Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka taa badalkeedana la wanaajiyo Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa marar badan ka cabtay in shaqadiisa faragalin lagu hayo, waxa uuna Wasiirka si weyn uga xumaaday habdhaqankii ugu dambeeyay ee shalay lagu sameeyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan wajaheysa xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka ka dhax aloosan wadamada Khaliijka, waxaana dowlada go’aanka ay ku taageertay Qatar kasoo horjeeda Madaxda mamaul goboleedyada dalka oo iyana la safan Imaaraadka.