Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Axmed Madoobe Oo Ka Dabaqaatay Siyaasada Villa Somaliya Ee Ku Aadan Imaaraadka Kuna Dhawaaqay Inu La Saftay ILma Shiikh Zaid

Monday - May 7, 2018


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kadib safar caafimaad oo uu ku aaday dalka Itoobiya.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa waxa uu ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka, Booqashadii C/kariin (Qalbi-dhagax), Khilaafka Imaaraadka iyo Dowladda dhexe iyo Fatahaadaha.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in Maamulkiisa uu la safan yahay Imaaraadka Carabta, wuxuuna dhaliilay qaabka ay ay Dawlada ula dhaqantay Imaaraadka, hadana loo baahan yahay in ay dib uga laabato go’aankeeda.

“Arrinta khaliijka Dowladdu dariiq sax ah kuma ahan waxa ay ku dhaqmeyso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga hadii aynu nahay Jubbaland, Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka nooga wacan.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya uu kala soo hadlay sidii xoriyadiisa uu dib ugu heli lahaa Sarkaalka ONLF, C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), wuxuuna tilmaamay xaalada Qalbi-dhagax in ay tahay mid wanaagsan oo aanay jirin wax dhib ah oo heysta.

Ugu dambeyntii Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa shacabka ka dalbaday in ay u gurmadaan dadka uu saameeyay fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba “Fatahaada iyo dhibaatada dhaceysa waa musiibo Qaran, Dowladda dhexe waxaa saaran masuuliyad oo ah in ay ka gurmato dhibaatada jirta, waan u mahadcelinayaa Guddigii shalay yimid ee kormeerka sameeyay.”