Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Boliska Mareykanka Ee Gobolka Atlanta Oo Si Ulakaca U Toogtay Haweyney Somaliyeed Kadibna Hortooda Ku Qur Baxday

Friday - May 4, 2018


Qoyska Shukri Saciid oo 36 sano jir aheyd ayaa booliska magaalada Atlanta ku eedeeyay inay si ula kac ah u toogteen gabadhooda oo maskaxiyan xanuunsaneyd.

Toogashada haweeneydaan ayaa ka danbeysay sabtidii lasoo dhaafay oo ka dhacday magaalada Atlanta markii qoyskeeda ay u baahdeen in la caawiyo marxuumada oo isku buuqsaneyd, xiligaasi oo booliska ay waceen si looga dhigo mindi ay haysatay oo nafteeda halis gelin gaartay.

Markii boolisku goobta soo gaareen ayaa Askari toogtay Shukri Saciid, halkaasina ay ku naf weyday.

Ehelka Shukri ayaa booliska ku eedeeyay in caawintii laga sugayay ay ku bedeleen toogasho, sababta loo wacayna ay aheyd in xaaladeeda wax lagala qabto.

Qoyska Shukri ayaa booliska ka dalbaday in ay caddeeyaan sababta toogashada u dhacday maadaama loogu wacay inay wax badbaadiyaan.

Booliska ayaa sidoo kale, balan qaaday in ay sameyn doonan baaritaan dhacdadaan ku saabsan isla markaana hubin doonaan wixii khalad ah ee dhacay.

Jaaliyada soomaalida ee dalka Mareykanka Gaar ahaan Jaaliyada Atlanta ayaa arintan ka muujiyay argagax, waxeyna sheegeen in boolisku ay ku degdegeen toogashada haweenaydan xanuunsaneyd, ayna heli karayeen farsamo kale oo ay mindida uga dhigaan.