Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa Hanad ILbax Oo Yaqaan Hab Iyo Maamuus .. Wariye Yacquub Maxamed Cabdalla( Mandella) Oo Loo Magacaabay Xil Culus

Thursday - April 26, 2018


Sida Aan warka ku helnay Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa waxaa loo Magacaabay Agaasime Cusub oo dhanka Warfaafinta ah,waxana xilkaas loo Magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla (Mandeela)
 
Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa Sanadkii 2014-kii waxa uu ku xigeen u ahaa Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Maamulka Puntland Cabdi Casiis Jaamac Nugaal, kadib doorasho Golle degaan oo lagu qabtay Magalada Gaalkacyo.

Yacquub Mandela ayaa horay xuriyadiisi la laalay oo Jeel ka dhex jiqleeyey kadib marki maamulka Puntland ay ku eedeyeen inu dadka xusuusiyey dagaalki ka dhacay gaalkacyo sanadka 2011-kii ee lagu duulay Beesha Tanade ee xaafada Garsoor, taaso warkiisa lagu tilmaamay iney ahayd durbaan Qabiil iyo kicin dadweyne, laakiin maxkamada ayaa markii dambe garwaaqsatay in xeer ilaaliyaha Dawlada u jilayey filim bila Actor ah oo meel u ka bilaawdo toona aan la aqoon, waxayna maxkamada marki dambe ku xukuntay 4 bilood xabsi ah oo la gadan-karo.

Yacquub Mandeela ayaa sidoo kale ka mid ahaa Wariyaasha ugu caansan gobolka Mudug,isaga oo ka howlgeli jiray Radio Gaalkacyo sidoo kalena Wakiil uga ahaa Tv-ga Universal.
Hadda Cabdi Casiis Jaamac Nugaal waxa uu yahay Agaasimaah Xafiiksa Ra’iisul Wasaaraah soomaaliya Xasan Cali kheyre iyadoo Yacquub uu u qaabil sanaan doono dhanka Saxaafadda.