Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Imaaraadka Carabta Oo Xaqiijisay Iney Si Wadeyso Taageerada Ciidan Iyo Maaliyadeed Ee Ay Siiso Maamulada Puntland Iyo Jubaland

Wednesday - April 25, 2018

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dubia ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in ay dawladda Imaaraatka Carabta ay si rasmi ah ugu sheegtay hogaamiyaasha maamulada Puntland Iyo Jubbaland in ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidamada labadaas maamul, xili ay gabi ahaanba joojisay taageeradii ay siin jirtay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Hogaamiyaasha labadan dawlad gobaleed ayaa hadda kusugan dalka Imaaraatka Carabta, waxayna qeyb ka ahaayeen siyaasiin xilal sare kasoo qabtay Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Dubia oo ay ka wada hadlayeen sidii lays ku waafajin lahaa xiriirka Imaaraatka iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya asbuucyadii la soo dhaafay, balse hadda ayaa la xaqiijiyey in uu ku sugan yahay magaalada Dubia ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta, isagoo halkaas qeyb kaga noqday siyaasiin badan oo diidan in xiriirka Imaaraatka la xumeeyo.

Waxaa cad in Caqabad cusub ay ku tahay dawladda Faderaalka Soomaaliya in qaar kamid ah dawlad gobaleedyada dalka ay ka xiriir furtaan markale siyaasadda arrimaha dibada ee dawladda, taas oo dhaxalsiin doonta Xukuumada iyo Madaxtooyada Soomaaliya rafasho kale oo siyaasadeed xoog badana.

Talaabada ay qaaday Xukuumada Imaaraatka Carabta ee taageerada ay ku siinayso maamulada Puntland iyo Jubbaland, xili ay Tababarayaasheedii iyo qalabkii Milateriba kala baxday magaalada Muqdisho ayaa noqonaysa xasarado siyaasadeed oo xoog badan, kuwaas oo aan la garan Karin halka ay ku dambeyn doonaan, waxaana muuqata in hirdi siyaasaded oo xoog badan bilaaban doonto.