Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Nin Ballan-qaad Looga Baxay Oo Ku Aarsaday Masas Halis Ah Miliqsanaaya Kuna Dhex Hurgufay Xarun Canshuur Qaad

Tuesday - April 24, 2018


Nin ka mid ah dadka carbista masaska iyo noolayaasha xamaarata ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa weerar nooc cusub ah ku soo qaaday xarun lagu qaado cashuuraha oo ku taal dalkaasi Hindiya, waxaana sida warbaahintu sheegtay uu ninkani gudaha xafiiskaas oo ay ku sugan yihiin shaqaalihii kastamku ku dhex rogay jawaan masas ah, taas oo dhalisay argagax iyo in ooda ay jabiyaan shaqaalihii kastamka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka carooday ballan-qaad hore xaruntaasi ugu samaysay oo masuuliyiina iyo hawl-wadeenadu u fulin waayeen, ka dibna waxa uu ku hurgufay jawaan uu ka soo buuxsaday tobanaan masas ah oo argagax iyo cabsi galiyay shaqaalihii kastamka canshuuraha ee goobtaasi iyada oo masaska oo goobta ku soo daadiyay u badnaayeen kuwa khatarta ah ee suntan leh.

Mr. Subhash Mani Tripathi oo ka mid ah hawl wadeenada xarunta cashuuraha ee deegaanka Haraya ee Gobolka Attar Pradesh oo u warramay wakaaladda wararka ee “AFP” ayaa sheegay in shaqaalaha ka hawl galayay kastamkaasi argagaxeen markii ninkaasi tobanaan mas iyo in ka badan ku soo dhex daadshay xaruntooda oo shaqadii cashuuruhu ka socoto, waxaanu isagoo sidii wax u dhaceen ka waramaya uu sheegay in dadka qaar dhiman gaareen oo naxdintii la tawafi gaareen.

Mar la waydiiyay ninkan sababta uu masaska ugu soo weeraray iyo waxaa uu ka doonayay ayuu yiri: “Ninkaasi waxa uu beri hore masuuliyiinta kastamka waydiistay in dhulka ballaaran ee xaruntaasi ku fadhido wax laga siiyo si uu meel ugu helo masaska iyo xamaaratooyinka uu xanaaneeyo, markaaso masuuliyiintuna u carab laalaadiyeen, laakiin aanu jirin heshiis ama qoraal loogu ogolaaday.”

Ninka falkan ku kacay laftiisa oo AFP la xiriirtay ayaa sheegay in uu hore ballan qaad uga haystay xaruntan laakiin markii loo aamusay uu waayay wax kale oo uu sameeyo oo xal ah, sababtoo ah ma helayo meel uu ku xanaaneeyo masaska iyo guud ahaan xayawaanka bogga ku socda ee uu ninkani daryeelo ama dhaqdo, waana tan keentay in uu si kedis ah go’aan ugu gaaro in uu masaska oo suntoodii tufaya ku soo dhex hurgufo xaruntii cashuur qaadista isaga oo markii hore masaskan kiish weyn ku soo guray dadka shaqaalaha ah iyo kuwa kale ee meesha joogayna aanay markii hore wax shaki ah ka qabin ninkan kiishka walwaalaya balse xaajadu faraha ka baxday markii uu inta uu afka ka furay oodda ka soo qaaday masas halis ah oo miliqsanaya.
Sida wararku sheegayaan argagax iyo cabsi wayn oo soo waajahday shaqaalaha goobtaas mooyee may dhicin wax khasaare ah mana jiraan cid ka mid ah shaqaalaha oo masaskaasi ay dhibaato u gaysteen iyada oo la hadal hayo in ninkaasi dawladdu u diyaarinayso goobta uu codsaday ee uu ku daryeeli doono xamaaratada uu dhaqdo.