Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Ruushka Oo Bishaar Asad Siinaya Buundado Cusub Ee Gantaalada S-300 Iyo Dawlada Israaiil Oo Afka Gacanta Saartay

Tuesday - April 24, 2018


Dawlada Ruushka ayaa si bareer aan biyo is marin ugu sheegtay Madaxda israaiil in Dawlada Ruushka ay ka go'antahay in dawlada Siiriya ay si dhaba leex-leexad lahayen uga iibin-doonto Hubka khatarta ee lidka Diyaradaha oo noociisa yahay S-300, hubkaaso wixii gudbintiisa ka dambeeya ay iyagu siiriyiintu si toosa iskga caabin-doonaan weerarada cirka ee uga iimaanaaya xaga israiil, waxaa la tilmaamay inu habkaas gantaalada si buuxda u dabooli-doona guud ahaan cirka qaawan ee Siiriya.

Warkaan oo ay qoreen wargesyada israaiil qaarkood ayey ka soo xigteen masuuliinta Ruushka in Israaiil aysan marna deyneyn Sawaariikh higleh iyo holac dayuurado ridayaan oo ay ku duqeyneyso saldhigyada ay fadhiyaan ciidamada Siiriya, sidaa daradeedna ay si hagar baxa ku khasban-yihiin Ruushku iney hubkaas khatarta ah u gudbiyaan Siiriyiinta.

Dhinaca kale Ergeyga Ruushka u qaabilsan arimaha bariga dhexe ayaa horay u yiri: Sidi hore yaan la moodin oo yaan la sugu-waayin in la hormariyo awooda ciidan ee Siiriyiinta si ay iyagu isaga difaacaan dulaanka uga iimaanaya xaga israaiil, wuxuu kalo ergeyga warkiisa ku sheegay in horay si xod-xodo ku jirta naloo ka dhigay in aan hubkaas gacanta Bishaar Asad la galin, laakiinse xaalada duulaan ee ka soo dareysa awgeed waxaa khasab noqotay in hubkaas la siiyo siiriya.