Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dagaalki Labaad Oo Dhamaaday Iyo Askarigi Jabaan Oo 29 Sagal Sano Kadib Weli Ku Taagna Amarkii La Siiyey Oo Ahaa Ha Is Dhiibin

Monday - April 23, 2018

Askariga Hiroo Oonoda, Wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada dalka Jaban. Wuxuu 29 sanadood ku taagnaa Amar la siiyey oo ahaa, wax kasta oo la kulantid, waligaa ha is dhiibin, amarka waxaa la siiyey dagaalkii labaad ee dunida, waxaana siiyey taliyihiisa.

Dagaalki markii u dhamaaday, Dable Askari Onoda iyo Sadex askari oo u watay waxay ku lumeen dalka Philippine halkaas oo ay dagaal kaga jireen illa iyo 1974kii .. laba ka mid ah askartiisi waa la dilay, Mid kalena dhawaac ayaa lagu qabtay .. dhawr sano  ayaa Askari Oonoda keligi duurka ku jiray oo dagaalamaayey inkasto oo aanay cidiba la dagaalameyn.

Waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid aha in dhowr jeer waraaqo loo soo daadiyey loogu sheegaayo in dagaalkii dhamaaday oo uu ka soo baxo Duurka. xitaa waraaqo uu Taliyihiisi soo qoray ayaa loo soo daadiyey, waxaas oo dhanse dheg jalaq uma uu siin. Ugu dambeyn waxaa helay oo u waramay wiil Reer Jabaan ah. wiilkaas ayay mudo ku wada noolaayeen ilaa loo keenay Taliyihiisi si uu amarkii uu siiyey uga dejiyo.
Askari Oonoda wuu Aamini-waayay in Jabaan laga adkaaday oo ay is dhiibtay. isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu Buugiisa " No Surrender My Thirty Year War" ku qoray hadal ahaa: In Dadkii Iyo Dalkii Jabaan Doorsameen

Askari Hiroo Oonoda wuxuu noqday shakhsi magac weyn ku yeesha dalka Jabaan. waxa la gudoon siiyey abaal marino iyo bilado badan. hasa ahaate mudo kadib Oonoda wuxuu go'aansaday in uu iskaga haajiro Japan.
Wuxuu Tagay Baraziil oo uu Aakhrkii ku dhintay. Mar la weydiiyey sababta u wadankii uu intaas oo dhan u soo dagalamayey uga haajiro, wuxuu ku jawaabay:
 in qiimihii, dhaqankii iyo qiyamkii nolosha ee reer Japan uu meesha ka baxay. wuxu sheegay in dadkii bedelmeen oo dhaqan doorsameen oo wixii u u soo dagaalamay aanu ka helin Japan. wuxuu dareemay in dhaqan reer galbeed meesha soo galay.

Dulucda sheekada: Weligaa ha is dhiibin oo ha ka tanaasulin waxa aad Aaminsantahay .. Waase Hadey Yihiin Xaq